Golaha Ammaanka oo shir ka yeeshay dagaalka ka socda dalka Suudaan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay shir ka yeeshay dagaalka sanadkiisii labaad ee ka soconaya dalkaasi Suudaan.

Ciidanka Militariga Suudaan iyo Xoogaga Gurmadka Degdegga ee RSF ayaa ku dagaalamaya gacan ku haynta dalkaasi.

Golaha ammaanka ayaa warbixino la xiriira xaaladda dalkaasi ka dhageystay masuuliyiin ay ka mid tahay Rosemary DiCarlo, oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Waxay sheegtay in dagaalku uu si weyn u saameeyay dalka iyo dadkaba, isla-markaana ay kordhayaan xadgudubyada bani’aadantinimo ee ay dhinacyada gaysanayaan.

“Tani waa xiisad aad u weyn, labada dhinacna waxay ku guuldareysteen inay dadka rayidka ah ilaaliyaan.” Ayay tiri Rosemary DiCarlo.

Rosemary DiCarlo ayaa tiri “Eedeymaha la xiriira xadgudubyada ayaa aad u badan, tacadiyada galmadana waa kuwo joogto ah. Dhinacyadu waxay askareynayaan carruurta, waxaana aad u kordhaya jirdilka iyo xarigga aan sababta lahayn.”

Edem Wosornu, Agaasimaha Waaxda Hawlgalada & Qareenada ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ayaa sheegtay in hal sano ka dib rajada dalka Suudaan ay tahay mid aad u xun.

Edem Wosornu ayaa sheegtay in labada dhinac ee ku dagaalamaya dalkaasi ay xitaa dilayaan, isla-markaana ay xirayaan shaqaalaha gargaarka, kuwa caafimaadka iyo mutadawiciinta maxaliga ah.

Warbixinada la siiyay Golaha Ammaanka ayaa lagu soo hadal qaaday in dagaalka oo si xoog leh uga socdo Gobolka Galbeedka Suudaan ee Darfur uu halis gelinayo nolosha dadka halkaasi ku nool.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dagaalka ka qarxay duleedka Magaalada El Fasher uu halis ku yahay 800,000 oo qof oo degan magaaladaasi.

“Dhinacyada dagaalamaya waxay iska dhego tireen baaqyo is daba joog ah oo ku saabsan inay joojiyaan colaadda, waxayna xoojiyeen diyaargarowgooda isku dhacyo dheeraad ah. Ciidamada Militariga iyo Xoogaga RSF, labaduba waxay sii wadaan ololahooda ay ku qoranayaan dadka rayidka ah.” Ayay tiri Rosemary DiCarlo.

Inta la ogyahay 14,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka, iyadoo tobanaan kun oo kalena ay ku dhaawacmeen. Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 25 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Sida laga soo xigtay Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) in ka badan 8.4 milyan oo qof ayaa ka barakacay guryahooda, tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay Suudaan, sanadkii hore. Dadka barakaca uga maqan guryahooda waxaa ku jira 1.8 milyan oo qof oo qaxooti ku noqday dibadda.

Dagaalkan ayaa 15-kii bishii April ee sanadkii 2023 si lama filaan ah uga qarxay Caasimadda Khartoum, iyadoo markii dambena uu ku fiday dalka intiisa kale.

Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Kuxigeenkiisii hore General Mohamed Hamdan Dagalo, kuwaa oo ku dagaalama awoodda dalka.

Labada janan ee ugu awoodda badan ciidamada dalkaasi ayaan muujin inay diyaar u yihiin in colaadda la soo afjaro, balse taasi bedelkeeda ay abuurayaan qalalaaso ay xaaladda uga sii darayaan.

Janaraaladan ayaa dhegaha ka fureysanaya baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker