Tartan adag oo soo wajahay madaxwayne Trump doorashada soo socota

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu wajahayaa tartan adag oo kaga imanaya gudaha xisbigiisa ka hor doorashada soo socota.

Barasaabkii hore ee gobolka Massachusetts Bill Weld ayaa noday musharaxii ugu horeeyay ee ka socda xisbiga Jamhuuriga oo shaaciyay in uu Mr Trump kula tartami doodoono doorashada 2020.

Mr Weld, oo ay da’diisu tahay 73 jir ayaa soo saaray muuqaal uu ku soo bandhigayo ololahiisa islamarkana uu ku sharaxayo sida uu uga aragti duwan yahay Mr Trump.

Balse Mr Weld, waxa uu wajahayaa caqabad ah sidii uu sare ugu qaadi lahaa muuqaalka iyo sumacadda xisbiga Jamhuuriga oo uu la dagay Mr Trump.

Mr Weld ayaa ahaa Barasaabkii gobolka Massachusetts sanadihii 1991-97.

Waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay waaxda garsoorka xilligii dowladdii madaxwayne Ronald Reagan.

 

“Waxa aan xaqiiqadii rumaysnahay haddii 6 sano oo kale aan ku sii jirno qaska ka taagan aqalka cad waxa ay noqon doonto labada sano ee soo socta musiibo siyaasadeed,” waxa uu sidaasi u sheegay telefishinka CNN.

“Waxa ay igu noqonaysaa ceeb haddii aanan gacanta taagin oo aan tartamin.”ayuu intaa ku daray.

Barasaabkii hore ee Florida Jeb Bush, oo isagu uu Mr Trump kaga adkaaday is-reebreebkii xisbiga Jamhuuriga 2016 ayaa ku baaqayay in xisbiga Jamhuuriga ay meesha ka saaraan madaxwayne Trump doorashada soo socota.

Barasaabkii hore ee Ohio John Kasich iyo barasaaabka Maryland Larry Hogan ayaa iyaguna la hadal hayay muddooyiinkii ugu dambeeyay in yihiin shaqsiyaad xisbiga kula tartami kara Mr Trump.

Sanadka soo socda ayay xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqradiga waxa ay soo xuli doonaan ciddii uga qaybgali lahayd doorashada madaxwaynanimada 2020.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker