Dawladda Norway Oo Somalida Uga Digtay in ay u Safraan Qeybo kamid ah Dalka Somaliya

Dowlada Norway Qeybteeda Wasaarada Arimaha Dibada ayaa soo saartay digniin ay muwaadiniinta Somalida uga digeyso in ay safar ku tagaan Dalka Somaliya.

 

Digniinta ayaana ku soo aadeysa iyadoo uu bilowday Fasaxa Xiliga kuleelaha la baxo kaasi oo dadka badankooda ay u baxaan wadanka dibadiisa.

Qeybta Wasaarada ku leedahay internetka ayaa lagu soo bandhigay wadamada aan safarka lagu tagi karin sanadkan waxana ku jira Dalka Somaliya oo halis badan lagu sheegay.

 

Warbixinta ayaa lagu sheegay in aanan safar lagu tagi karin Somaliya gaar ahaan Koonfurta iyo bartamaha Somaliya lakin waxaa amaan yar lagu tilmaamay dhanka Waqooyi iyo Puntland.

Dowlada Norway oo amaan daro ku tilmaameysa Somaliya ayaa dhanka kale sharciga u diida Somalida iyadoo isticmaaleysa in Somaliyda tahay nabad gaar ahaan Caasimada Muqdisho.

 

Xigasho/regjeringen.no

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker