Yuhuudigii ugu danbeeyey ee isaga baxay Afghanistan Oo Baaqna U Diray Israel .

Zeblon Simintov, oo ah nin 62 sano jir ah, dhalasho ahaanna ka soo jeeda magaalada Herat, oo ah qofkii ugu dambeeyay ee Yahuud ah ee ku haray Afgaanistaan, ee haatan dalkaasi isaga baxay, ayaa dhaleeceeyay ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Afghanistan, inkastoo uu sheegay in uu damacsan yahay inuu u guuro Mareykanka, haddii saamaha iyo duruufaha u saamaxaan.

Sida uu qoray wargeyska Times of Israel, Simintov, kaas oo daryeeli jirey macbadka Yuhuudda ee magaalada caasimadda Kabul, ayaa u sheegay idaacadda Israa’iil ee Kahn, in noloshiisa ay halis gashay ka dib la wareegistii Taalibaan ee Afgaanistaan.

Wuxuu tilmaamay in fursadda keli ah ee uu haystay ay ahayd in uu dalkaas isaga guuro.

Waxay wararka sheegayaan in ninkaas oo Afghanistan ka sii kaxeystay qaar ka mid ah dadkii deriska la ahaa. Taas waxay ahayd shardigii uu ku xiray in uu Kabul ka baxo, wuxuuna aaday dalkale oo deris la ah Afghanistan.

Wareysiga, wuxuu aad ugu dhaleeceeyey “fowdada” ka bixitaanka Mareykanka ee dalka Afghanistan, isagoo yiri: “Waxaan u sheegayaa dowladda Israa’iil iyo dadkeedaba in aysan aaminin Mareykanka.”

Wuxuu intaa raaciyey in Mareykanka iyo beesha caalamka ay “dhiig ku daadiyaan” Afghanistan, halkii ay ka shaqeyn lahaayeen inay nabad ku soo dabaalaan dalkaas.

Marka laga hadlayo masiirka macbadka Yahuuda ee Kabul, wuxuu rumeysan yahay ninkani in ururka Taalibaan aysan burburin doonin macbadkaas, oo dhismaha uu ahaan doono sidiisa.


Zeblun ayaa tukanaya, halka saaxiibkii oo Muslim ahna uu isna tukanayo
Wareysiga ayuu ku yiri: “Mareykanka iyo beesha caalamka, dhiig ayey ku daadiyey Afghanistan. Nabad ma aysan keenin, waxeyna muwaadiniinta uga tageen xaaladdan aad u cakiran”.

Wuxuu ku baaqi noqday ama ku nagaadey dalka Afghanistan kolkii hore ee ay ururka Taliban xukunka la wareegeen ee sannadkii 1996-dii, laakiin wuxuu sheegay in ay jirdil u geysteen.

Sida muuqata waxaa hadda looga digey in dad Masiixiyiin ah ay kuwa xagjirka ah ee Taalibaan ama IS, ay isku dayi karaan inay dilaan.

Waxa uu warbaahinta u sheegay inuu qorsheynayey inuu u guuro dalka Mareykanka.

Nolosha iyo aayatiinka halka ay ku danbeyn doonaan Yuhuuddii u dambeysay ee Afghanistan, waxaa mar walba tabinayay warbaahinta, 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Ka dib markii la aasaasay dawladda Israa’iil 1948-dii, qiyaastii 5,000 oo Yuhuudda Afgahnistan ah ayaa ka qaxey dalkaas, waxayna u guureen Israa’iil.

Qaar kale waxey ka tageen Afghanistan sannadkii 1979-kii, ka dib duulaankii Midowgii Soofiyeeti.

Magaalada Kabul iyo qaar ka mid ah magaalooyinka kale ee Afghanistan, oo ay ku jirto Herat, waxaa weli lagu arki karaa astaamaha Macbadyada Yahuuddo, iyo goobaha kale ee cibaadada, iyo astaamaha qaar ka mid ah bulshada Yuhuudda Afghanistan.

Magaalada Herat waxay ka mid ahayd xarumaha xudunta u ah xadaaradihii Yuhuudda ee Afghanistan, taas oo soo jirtay mudo 1500 oo sano ah.

Qabuurahan waxay ka mid yihiin kuwa ugu qadiimsan magaalada iyo dhowr goobood oo cibaado ee Yahuudda. Goobahaas cibaadada ayaa wali ka taagan magaalada Herat.

Kani waa xabaalaha kaliya ee Yuhuudda ee kusoo harey magaalada Herat
Qoraalka sawirka,Kani waa xabaalaha kaliya ee Yuhuudda ee kusoo harey magaalada Herat
Qoysaskii ugu dambeeyay ee Yuhuudda waxay magaalada uga amba baxeen Israa’iil afartan ilaa konton sano ka hor muddo laga jooggo. Waxaa maanta Herat ku haray waa xabaalo iyo afar macbad.

Macbadka Yuha, waa midka kaliya ee Herat, ee loo dhowray qaab macbad ahaan ah, waana dhaxalka kaliya ee ay Yuhuuddu ku haysato magaalada Kabul iyo qaar ka mid ah magaalooyinka kale, oo ay ku jiraan Herat halkaas oo muddo jiilal ah ay ku soo noolaayeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker