Boqol qof oo ku dhimatay weerar ka dhacay dalka Suuriya

Ciidanka Suuriya ayaa ku eedeeyay wax ay ugu yeereen ‘kooxo argagaxiso’ ah weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu qaaday akadheemiya uu milaterigu ku leeyahay magaalada Homs, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay waxaa ku jira haween iyo carruur, kuwaas oo ka soo qeyb galay qalin-jabinta qoysaskooda oo ka tirsan milateriga iyo sidookale dad rayid ah.

Ma jirto sheegasho ka timid fallaagada iyo jihaadiyiinta dagaalka kula jiray dowladda.

Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee weerarka soo qaaday, ayaa la rumeysanyahay inay ka timid aaga ay gacanta ku hayaan muucaaradka ee waqooyi galbeed ee magaalada Homs.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker