Maamulka Premier League Oo Man City U Sharraxay Sababtii Rekoodhaha Looga Diiday Kulankii Xalay

Daawo:Maamulka horyaalka Premier League ayaa warbixin kasoo saaray cabashadii Manchester City ee ahayd in Rikoodhe laga diiday intii ay socotay ciyaartii Manchester United ay ku martigeliyeeen garoonka Etihad Stadium.

 

Manchester City ayaa ku doodday in Rikoodhe lagu abaal-mariyo markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Fred, waxaana garsoore Anthony Taylor uu caawimo ka dalbaday VAR oo iyaguna usoo sheegay in doodda City aanay gar ahayn.

 

Pep Guardiola ayaa dood adag la galay garsooraha afraad oo ahaa Mike Dean, waxaanu shaashadaha kasoo muuqday isagoo cadhaysan oo hadallo badan dhegaha u saaraya Dean. Sidaas oo kale, ciyaartoyda City ayaa waqtigii nasashada u tegay garsoorka oo ay ka dalbadeen in sharraxaad laga siiyo kubadda sida cad ugu dhacday gacanta Fred ee haddana loo dhigi waayey rikoodhaha.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker