Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Iska xaadiriyaay Xaflada Xisbiga kulmiye

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa saaka ka xaadiray madal lagu debaal degayo sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Xisbiga Kulmiye bishii May 2002-dii.

Maxamuud Xaashi, oo ka mid ahaa aasaasayaashii Kulmiye, oo sannadkii hore Xisbiga Kulmiye sheegay in laga saaray Xisbigaasi, ayaan la ogeyn wakhtiga dib loogu soo celiyey, balse ka qayb galkiisa shirkan, ayaa la rumaysan yahay inuu qayb ka yahay dedaallo iyo wada hadallo u socday muddooyinkii u dambeeyey Madaxweyne Muuse Biixi ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi, kaas oo dib ugu soo noqonayo Kulmiye, isla markaana damaciisii hore u kala irdheeyey Kulmiye uu fursad u haysto inuu Kulmiye dhexdiisa kaga loollami karo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker