Barcelona Vs Liverpool- Messi Vs Robertson, Salah Vs Alba, Suarez Vs Van Dijk, Tirada Kulamadii Ay Abid Soo Wada Ciyaareen Iyo Saamaynta Khibradooda Champions League.

 

 

 

Waqtigii la sugayay ayaa ugu dhawaan soo dhamaanaya waxayna Barcelona iyo Liverpool isku diyaarinayaan kulamadooda xili ciyaareedkan ugu waa wayn ee ay iskaga hor iman doonaan afar dhamaadka UEFA Champions league. Barcelona iyo Liverpool midkii u soo baxa finalka Champions league ayaa loo arkaa in ay koobkan ku guulaysan karaan.

Liverpool iyo Barcelona ayaan waxba isku reeban doonin kulamada Camp Nou iyo Anfield oo ah laba garoon oo ay labada kooxood xog layaableh ku leeyihiin. Miyay Liverpool jabin doontaa rekoodhka layaabka leh ee Camp Nou ay ku leedahay Barcelona? Miyayse Barca noqon doontaa kooxda jabin doonta rekoodhka cajiibka ah ee ay Reds ku soo samaysatay Anfield?.

Jawaabaha su’aalahan waxaa lagu ogaan karaa oo kaliya marka ay labada kooxood iskugu soo galaan garoomadan laakiin waxaa jirta xog iyo taariikh ay labada kooxood ku soo lahaayeen tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league.

Liverpool iyo Barcelona waxay iskaga mid yihiin tirada koobabka Champions league ee ay ku soo guulaysteen iyada oo mid kastaaba ay haysato shan koob oo Champions league ah waxayna u ordayaan sidii ay markii lixaad kooban ugu guulaysan lahaayeen.

Barcelona ayaa kulanka Camp Nou ciyaari doonta iyada oo haddaba gacanta ku dhigtay koobka horyaalka La Liga laakiin Liverpool waxay dhexda kaga jirtaa tartankii abid ugu cuslaa ee Premier league iyada oo kulan adag ciyaari doonta inta u dhexaysa labada kulan ee ay Barcelona la leedahay.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa kulanka Barcelona iyo Liverpool ee Camp Nou ka hor waxay halkan idiinku soo gudbinaysaa xog faah faahsan oo la xidhiidha taariikhda kulamadii hore, goobaha ay labada kooxood ku kala guulaysan karaan iyo waliba khibrada ay labadan kooxood u leeyihiin wareega afar dhamaadka Champions league.

Goobaha Dagaalka Iyo Meelaha Ay Ku Kala Guulaysan Karaan Barcelona Iyo Liverpool

Waxaa hubaal ah in 22 ka ciyaartoy ee Camp Nou u soo gali doona kooxaha Barcelona iyo Liverpool uu mid kastaaba muhiimad wayn kooxdiisa u yeelan doono laakiin haddana waxaa jira ciyaartoy saamayn khaas ah yeelan doona haddii ay ku guulaystaan dagaalka ay la gali doonaan ciyaartoyda ay isku booska yihiin.

Haddaba halkan kaga bogo Goobaha khaaska ah ee ay ku kala guulaysan karaan kooxaha Barcelona iyo Liverpool.

1- Jordi Alba vs Mohamed Salah

Waxaa dagaal toos ah iskaga hor iman doona Jordi Alba oo difaaca bidix ugu soo bilaaban doona Barcelona iyo Mohamed Salah oo sidii caadada ahayd garabka midig ee weerarka ugu jiri doona Liverpool taas oo sabab u noqonaysa in hal boos ay ku dagaalami doonaan Alaba iyo Salah.

Jordi Alaba waxa uu xili ciyaareedkan ka mid ahaa ciyaartoyda ugu muhiimsan ee Barcelona wuxuuna ka soo baxay shaqadiisa difaacasho isaga oo waliba door wayn ku lahaa dhismaha weerarka ee kooxdiisa Barca laakiin waxa uu wajihi doonaa imtixaan adag marka uu Salah dagaalka kaga hor yimaado.

Mohamed Salah waa mid ka mid ah halista ugu badan ee ay Barcelona ka walwalsan tahay wuxuuna Jordi Alba ku qasbi doonaa in uu yareeyo weerarkii uu ka qayb galay jiray maadaama oo uu ogyahay in xawaaraha Mohamed Salah uu yahay mid aan la soo qaban karin haddii uu ciyaartoyda ka cag horeeyo.

Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkan soo dhaliyay 21 gool oo Premier league ah waana xidiga ilaa hadda hogaaminaya goolka Premier league, laakiin saamaynta uu ku yeelan doono kulamada afar dhamaadka Champions league ayaa loo arkaa in ay qiimayn wayn ku yeelan doonto rajadiisa abaal marinta Ballon d’Or.

Wargaysyada Spain ayaa bilaabay in ay ka hadlayaan sida Lionel Messi iyo Mohamed Salah ay abaal marintan Ballon d’or ugu hanan karaan guulo ay ka gaadhaan Champions league, sidaa daraadeed, Mohamed Salah oo wali la xanuunsanaya finalkii xili ciyaareedkii hore ayaa wax walba u samayn doona sidii uu Liverpool guul u gaadhsiin lahaa.

Sidaa daraadeed, dagaalka Mohamed Salah iyo Jordi Alba midkii ku guulaysata ayaa la filayaa in uu saamayn xoogan ku yeelan doono kulanka Camp Nou.

Riix 2,3,4,5 si aad xogta dhan u akhrisato

2- Luis Suarez vs Virgil Van Dijk

Dagaal wayn ayaa ka dhex qarxi doona xidigii hore ee Liverpool ee Luis Saurez balse hadda hogaaminaya weerarka Barcelona iyo difaaca Premier league ugu fiican ee Virigil Van Dijk kaas oo ah udub dhexaadka Liverpool ee xili ciyaareedkan halkan soo gaadhsiiyay.

Van Dijk ayaa kulanka Camp Nou iskeenaya isaga oo ku soo guulaystay abaal marinta xidigii sanadka ee Premier League ugu fiicnaa kadib markii uu soo sameeyay bandhig layaableh laakiin Van Dijk ayaa mari doona imtixaankiisii ugu adkaa ee xili ciyaareedkan marka uu Camp Nou la soo galo kooxdiisa Reds.

Van Dijk ma aha difaac dhexe oo hal gool dhaliye ku koobanaan doona wuxuuna soo muujiyay sida uu kaabis ugu sameeyo dhamaan qaladaadka saddexda difaac ee Liverpool kala soo ciyaarayay laakiin waxa uu dagaalka kowaad la gali doonaa Luis Suarez oo ku soo bilaaban doona No.9 kooxdiisa Barcelona.

Van Dijk ayaa sidoo kale il dheer ku hayn doona xidigaha kale ee weerarka Barcelona uga ciyaari doona oo uu kow ka yahay Lionel Messi, maadaama oo aanu xidiga reer Argentina ahayn mid hal boos oo kaliya ka ciyaari doona waxaana la sugayaa qaabka uu Van Dijk u hogaamin doono afarta difaaca ah ee kooxdiisa Reds.

Luis Suarez waxa uu ku soo jiray abaar waqti dheer ah oo tartanka Champions League ah waxaana jira walwal laga qabo in uu daal badan dareemayo kadib markii uu soo wada dhamaystay kulamadii ugu danbeeyay ee ay Barcelona soo ciyaartay.

Laakiin tayada Luis Suarez waa mid halis wayn ku abuuri karta kooxdiisii hore ee Liverpool waxaana Van Dijk iyo difaaca dhexe ee kula soo bilaaban doona loo xil saari doonaa in ay Suarez aamusiiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, door hogaamineed ee uu Van Dijk qaato iyo qaabka uu Luis Suarez ku joojin karo oo lagu daray in uu kaabis ku sameeyo qaldaadka kale ee difaacyada kooxdiisa Liverpool ayaa saamayn wayn ku yeelan doonta ciyaarta Camp Nou.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker