Ra’iisul Wasaare Rooble Oo La Kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga wadanka isutagga Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan.

Kulankan ayaa waxa ay labada mas’uul uga wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal kordhinta gurmadka Imaaraadka ee dadka Soomaaliyeed ee abaartu Saameysay.

Dowlada Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan deeq gargaar cunto ah oo loogu talogalay dadka ay abaaruhu saameeyeen soo gaarsiisay dalka Soomaaliya.

Waxaana lagu wadaa in dhawaan sidoo kale ay dalka soo gaadhan diyaarado sida shixnado gargaar cunto ah oo loogu talogalay dadka ay abaaruhu saameeyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker