Talibaan Oo Si Buuxda Ula Wareegtay Madaxtooyada Afghanistan

Kooxda Talibaan ayaa   si nabad gelyo ah ula wareegtay madaxtooyada Dalka Afghanistan ee kutaala Kabul, kadib markii halkaasi isaga baxeen Madaxweynihii iyo masuuliyiintii kale ee ku sugnaa.

Dagaalyahano katirsan kooxda Talibaan ayaa gudaha u galay qasriga Madaxtooyada ee Afgaanistan, waxaana la sheegay in halkaasi gaareen saraakiil iyo masuuliyiin kale oo katirsan kooxda Talibaan ee awooda kula wareegtay talada dalka Afghanistan.

Afhayeenka kooxda Talibaan, Zabihullaahi Mujaahid ayaa   sheegay inay Madaxdooda ka heleen Codsi ay ku geli karaan magaalladda Kabul, waxa uuna cadeeyay in ciidamada Talibaan sugayaan amaanka Madaxtooyada.

Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Qaani ayaa la filayay in si nabad gelyo xilka ugu wareejiyo kooxda Taalibaan, hasa ahaatee xili ay socdeen wadahadalo ayaa Madaxweyne Ashraf iyo xubnihii ku dhaw dhawaa isaga baxeen magaalada Kabul.

Madaxa Golaha Dib-u-heshiisiinta Qaranka Afganistan, Cabdalla Cabdalla ayaa horey uga codsaday Talibaan in aysan magaalada soo gelin inta ay wadahadalada socdaan, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay dowlada awoodeeda la wiiqay ee Afghanistan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker