Hub iyo gaadiid lagu raad joogay oo lagu qabtay Boosaaso

Boosaaso (OWN) – Ciidamada Ammaanka ee Puntland ayaa xalay howlgallo ballaadhan ka sameeyey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Howlgalladan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxa ay Ciidanku ka fuliyeen Xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi, iyadoo uu sameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa dadka.

 

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, Gaasnaale Sare Xuseen Cali Maxamuud oo Hoggaaminayey Baadhitaanadaasi ayaa ka warbixiyey, wuxuuna sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Hub sharci darro ah iyo dadkii watay, kuwaas oo loo taxaabay Xabsiga.

 

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo gaadiid ay in mudo ah ku raad joogeen ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari in howlgalladu ujeedkooda uu ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga, isagoo ciidanka Booliska uga digay ay hub ka dhex qaataan gudaha magaalada, iyagoo aan ku jirin shaqo.

Dhowaanahaan ciidam da Puntland ayaa xoojiyey baaritaanada ay ka wadaan Boosaaso, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada ee ka dhaca magaaladaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker