Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo ka Hadashay Siday u Aragto Wada-hadalada dib u Furmay ee Somaliland iyo Somalia

Hargeysa (OWN) – Ergeyga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada ay la-galeyso Soomaaliya, Adna Aadan Ismaaciil ayaa ka warbixisay kulanka balllaadhan ee maanta ka dhacaya Jabuuti, kaas oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland.

 

 

Marwo Adna ayaa sheegtay inay marka hore soo dhoweyneyso in dib loo bilaabo wada-hadallada labada dhinac oo hakad ku jiray Afartii sano ee la soo dhaafay.

 

 

Adna Ismaaciil ayaa shaacisay in Madaxweyne Farmaajo uusan laheyn qowl , islamarkaana uu yahay qof aan fulin karin heshiisyada la galo, sida ay hadalka u dhigtay.

 

 

“Waxaa heshiis lala galaa qof qowl-leh oo wixii lagu heshiiyey fulin kara.” ayey tidhi Marwo Adan oo ah Ergeyga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya

 

 

Sidoo kale waxa ay ku eedeysay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) inuu burburiyey heshiisyadii hore ee ay wada gaadheen Soomaaliya iyo Somaliland, iyada oo Su’aal ka keentay wada-hadallada haatan dib u bilaabanaya.

 

 

“Waxaa is-weydiin leh wada-hadalladan iminka la rabaa ma kuwii horaa la ansixinayaa oo 8-aad, 9-aad iyo 10-aad ayaa ku biiraya.” ayey markale tidhi Adna Ismaaciil Aadan.

 

 

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqay in wada-hadallada oo guuleysta ay muhiim u yihiin labada shacab, si looga gudbo caqabado haatan jira ee u dhexeeya labada dhinac.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker