Madaxweyne Farmaajo Oo Addis Ababa Kula Kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa halkaasi waxaa uu Wada hadallo kula yeeshay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay isaga wareysteen horumarka ay Dowladda ka sameysay dib u habeynta Hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika.

Sida ay baahisey Madaxtooyada Soomaaliya kulankaas ayaa sidoo kale Lagaga hadlay Taageerada Midowga Yurub ee ku aadan dowlad dhisida Soomaaliya,waxaana Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL uu balan qaadey inay taageerada kordhin doonaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Magaalada Addis Ababa uga qeyb galay Shirka 33aad ee Madaxda Midowga Afrika ayaa waxaa uu horey ula kulmey Madax kala duwan,waxaana la filayaa in uu sidoo kale la kulmo Madax kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker