Dalka Suudaan Oo Mar Kale Xaalad Adag Gashay & Xukun Degdeg Ah Oo Lagaga Dhawaaqday

Xaalad degdeg ah ayaa lagaga dhawaaqay gobolka Badda Cas ee dalka Suudaan, ka dib markii isku dhacyo qawmiyadeed oo ka dhacay ay ku dhinteen 16 qof.

 

Dawladda ku meelgaadhka ah ayaa sidoo kale shaqadii ka eriday badhasaabkii gobolka bari iyo madaxii arrimaha ammaanka.

Ma cadda waxa sababay dagaalkaas dhex maray Bani Amer iyo Nuba, isku dhacyadaas oo ka dhacay Port Sudan oo billawday Arbacadii waxayna socdeen tan iyo Sabtidii.

 

Markii u horreysay ayey hub adeegsadeen, arrintaas oo tilmaamaysa in ay jirto faro galin gudaha ah iyo mid dibadda ah oo hurinaysa colaadda, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay dawladda Suudaan.

Magaalada Port Sudan ayaa caasimad u ah gobolka Badda Cas ama Red Sea waxayn marin muhiim u ah u tahay maraakiibta.

(FILES) In this file photo taken on June 22, 2019 A man poses for a “selfie” photo with a cell phone as he awaits the arrival of the deputy head of Sudan’s ruling Transitional Military Council (TMC) and commander of the Rapid Support Forces (RSF) paramilitaries, during a rally in the village of Abraq, about 60 kilometers northwest of Khartoum. (Photo by Yasuyoshi CHIBA / AFP)

 

Inta badan ganacsiga dalkaasi wuxuu maraa dekeddaas, dawladda Suudaanta Koonfureed ayaa sidoo kale adeegsata dekedaas iyada oo ka dhoofisa shidaal.

Suudaan waxa soo maray bilo ay qasnayd ka dib markii ay shacabka iyo millatarigu ku heshiin waayeen awood qaybsiga, arrintaas ayaana timid ka dib markii xukunka xoog looga xayuubiyey Madaxweynihii muddada dheer xukunka hayey ee Cumar Xasan Al Bashiir.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker