Ciidamada Melerariga SUDAN oo la wareegay xarumo Muhiim ah iyo xiisad ka taagan Khartuum

Khartuun (OWN)-Wararka ka imaanaya magaalada magaalada Khartuum ee dalka Sudan ayaa sheegaya in xiisad ay saaka ka taagan magaalada, iyadoo ciidamada Meletariga ay la wareegeen xarumo Muhiim ah.

Ciidamada Melatariga dalka Sudan ayaa la wareegay xarunta Taleefishinka Qaranka iyo Raadiyaha dowladda, waxaana ay xaalada u muuqataa in Afgambi lagu sameyn rabo madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Meletariga ay madaxtooyada ku xanibeen madaxweynaha Sudan Al Bashiir, waxaana ay ku sugan yihiin madaxtooyada magaalada Khartuum.

Xaalada ayaa u muuqata mid ay iska war hayaan ciidamada maletariga iyo Nabad Sugidda Sudan, waxaana sidoo kale la xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum, iyadoo aysan jirin dhaqdhaqaaq diyaaradeed oo garoonka ka socda.

Saraakiisha Ciidamada meletariga ayaa yeeshay kulamo gaar ahaa oo saacado socday, waxaana ay kaga hadleen xaalada Sudan iyo banaanbaxyadii ugu dambeeyay ee dhacayay walow aysan wax go’aano ah soo saarin.

Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Sudan uu ku qasbanaan doono inuu xukunka ka tagp, waxaana la ogeyn sida xaalka isku badali doono.

Dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Khartuum ayaa xaaladda ka dhigtay mid Jahwareer gelisay Sudan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker