Xiddig Ay Dooneyso Man United Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Imaatinkiisa Garoonka Old Trafford –

Manchester United ayaa lagu soo warramayaa iney fursad u heysato saxiixa garabka PSV Eindhoven Steven Bergwijn, balse shuruuda adag oo la filayo ineysan ka gudbi karin ayuu ku xiray imaatinkiisa garoonka Old Trafford.

22-jirkan kasoo baxay Akadeemiga kooxdiisa ayaa dhaliyay 14-gool kadib 33-kulan uu horyaalka Eredivisie kasoo muuqday fasalkii lasoo dhaafay, balse hormarkaas wuxuu dhaliyay iney aad u hadal hayaan kooxaha qaaradda yurub.

Bergwijn wuxuu dhawaan saxiixay heshiis uu kooxda kusii joogayo ilaa 2023, balse waxaa lagu soo warramayaa ineysan ka hor istaagi karin inuu u guuro kooxaha qaaradda yurub.Ilo ku dhaw ciyaariyahanka ayaa ka dhawaajiyay in xiddigan uu quuldareynayo inuu u dhaqaaqo kooxaha waaweyn ee yurub, balse wuxuu ka dhawaajiyay inuu kaliya u guurayo koox ka ciyaareysa koobka horyaalada yurub.Red Devils xiddigaan dhawr jeer ayey u dirtay wakiilo soo daawada, balse waxey u baahan tahay iney afarta sare horyaalkeeda ku dhameysato ama ku guuleysato Europa League si ay u hesho xiddigaan tayada wanaagsan.

Sidoo kale adduun dhan 40 Malyan oo Pound ayuu xiddigaan ku qiimeysan yahay, waaba hadii ay jirto koox ku dhiiraneysa iney xiddigan la saxiixato Heshiis.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker