Yaa Ka Dambeeya Siyaasadda Burburinta Maamul Goboleedyada Somalia?

Waxaa la wada ogsoonyahay in xiligii Madaxweyne Moxamed Cabdullaahi Farmaajo ku jiray tartanka doorashada madaxweynenimada dalka uu si cad u weerarijiray una cambaaraynjiray Itoobiya iyo Kenya isaga oo sheegijiray in labadaas dal yihiin cadowga kowaad ee Somalida, ciidamadooda Somalia joogana aanay marnaba ka talinayn maslaxadda Somalia balse ay u arkaan Somalia cadowgooda oo loobahanyahay inaanu marnaba madaxa la soo kicin.

Markii Farmaajo loo doortay madaxweynaha Somalia waxaa uu booqasho xidhiidha oo saaxiibtinimo ku kala bixiyay Itoobiya waxaanu la galay heshiisyo qarsoodi ah oo lidi ku ah qaranimada iyo jiritaanka Somalia. Waxaa muuqata inuu dalka u fasaxay inay qabsadaan Itoobiya iyo Eratariya si uu xukun qabiil u dhiso looguna ilaaliyo si uu ugu kaco aargoosi qabiil iyo baabi’in taas oo isaga kala muhiimsan ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Somalia iyo sharafta dadka Somaliyeed.

Waxaa suurtogal ah in ciidamada uu ka codsaday Itoobiya iyo Eratariya uu bedelkeeda ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku caadiyay Madaxweyne Farmaajo inuu burburiyo maamul goboleedyada Somalia kuna bedelo kuwo daba-dhilif u ah Farmaajo iyo Khare taas oo Itoobiya iyo Eratariya u suurtogelinaysa inay dalka Somalia si fudud ay u qabsadaan oo aan la hayn iska caabbin.

 

Ibrahim Hassan

ibrahim_hg@yahoo.com

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker