Hargeysa: Bulshada Xaafadda XARAF oo Cabasho ka muujiyey Shirkadda SOMPOWER

 

Hargeysa (OWN)- Bulshada ku dhaqan xaafadda Xaraf ee magaalada Hargeysa, ayaa cabasho ka muujiyey Shirkadda adeegga korontada bixisa ee SOMPOWER, kaddib markii sida ay sheegeen ay shirkaddu ka carqaladaysay Laydh-gelin cusub oo xaafaddaas la gaadhsiisay.

Dadweynaha ku dhaqan Xaafaddan, ayaa sheegay in shirkadda Korontada bixisa ee Indha-birta ay xaafaddaas markii u horeysay gaadhsiisay Laydh-gelin cusub oo aan hore uga jirin, balse ay shirkadda SOMPOWER ka hor-joogsatay, kaddib markii ay ku gacan-saydheen Shuruudo aanay awoodi karin oo shirkadda dambe ku xidhay laydh-gelinta xaafaddaas.

Shacabka xaafadda oo maanta si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay, waxay sheegeen in Guddiga xaafaddu u tageen shirkadda SOMPOWER oo ay ka codsadeen Laydh-gelin, shirkadduna ay codsigooda kaga jawaabtay in ugu horeyn ay iska soo ururiyaan qaddar lacageed oo dhan 50-kun oo Dollar, taasina ay shacab ahaan ka biyo-diideen arrintaas markii dambe u tageen shirkadda dhiggeeda ah ee INDHO-BIRTA oo sida ay sheegeen shuruud la’aan ugu bilowday Laydh-gelinta xaafaddaas.

Dadkan waxa ay xuseen in tallaabaadaas ay keentay in gebi ahaanba la xidh-xidho shaqaalihii shirkadda Indho-birta ee Laydh-gelinta lacag la’aanta ah u bilaabay xaafaddaas, taasi ay tahay sharci-darro lagu duudsiyayo Xuquuq ay u leeyihiin inay xaafadaas ka tirsan magaalada Hargeysa ay markii u horeysay Laydh hesho. Waxa ay dadkani dalbadeen in loo oggolaado fursad ay Koronto ku helaan, isla markaana loo sii daayo shaqaalaha ku hawlanaa Laydh-gelinta cusub.

Halkan Waxaanu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka laga duubay Bulshada ku dhaqan Xaafadda XARAF oo qaylo-dhaan u diraya xukuumadda kana cabanaya Koronto la’aanta Haysata iyo Dhibaatada ay shirkadda SOMPOWER ku hayso.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker