Dawladda Hindia Oo Dalkeeda ka Caydhisay Madaxweyne Xigeenkii Hore ee Dalka Maldives. oo magan galyo siyaasadeed ku deganaa

Hindiya ayaa dalkeeda ka Caydhisay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Maldives Axmed Cadiib oo wajahaya eedo la xidhiidha isku-day dil iyo musuq-maasuq, kaasoo markii hore dalka ku tagay doon, sida ay sheegeen saraakiil dowladda hindiya ka tirsan.

Cadiib ayaa gaadhay dekadda gobolka Koonfureed Tamil Nadu waxaana loo xidhay inuu ogolaansho la’aan dalka Hindiya ku galay.

Sagaal xubnood oo la socday Madaxweyne ku xigeenkii hore ayaa ciidanka Ilaaladda xeebaha ee Hindiya waxay ku wareejiyeen Ciidanka amaanka ee Jasiiradda Maldives, sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganeysa ilo Booliiska ah.

“Waxaa lagu wareejiyay masuuliyiinta dalkooda maanta oo sabti ah,” ayuu sarkaal Booliis ah u sheegay Wakaalada AFP.

Axmed Cadiib waxaa Xabsiga jasiirada Maldives laga sii daayay bishii May ka dib markii lagu waayay inuu isku dayay inuu dilo Madaxweyne Cabdalla Yamiin sanadkii 2015.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker