Shir deg-dag ah Oo Maanta Xisbiga Waddani iskugu Yimaadeen

Shir deg-dag ah oo saaka ay iskugu yimaadeen madaxda Xisbiga WADDANI, ayaa laga ga wada-hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka Somaliland.

 

Shirkan oo uu shir-guddoominaayey Murashaxa Xisbigaasi Dr. Cabdiraxmaan Cirro, waxa ka soo qeyb-galay xubno ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo ka tirsan mudanka Xisbiga.

 

Intii shirku socday waxa aad loogga dooday sida Xisbigu uu u muujinaayo kaalintiisii Mucaaradnimo, waxa kale oo hoosta laga xariiqay in Xisbigu aanu marna ka tanaasulayn mawqifkiisii Komishanka Doorashooyinka sida oo kale waxa ay xuseen inay war-war ka qabaan xaaladda dalku maraayo.

 

Xisbigu wuxu isla qaatay in si deg-dag ah uu shacabka ugu caddeeyo aragtidiisa ku aadan xaaladda uu galay dalku iyo dib u dhaca Doorashooyinka Somaliland.

Image may contain: 2 people, people smilingImage may contain: one or more people and people sittingImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting and indoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker