Qiso dhab ah: Dhaqtarkii dadqalka noqday!

Filinka Gosnell waxa laga metelay qiso dhab ah oo layaab leh oo ka dhacday dalka Maraykanka. Dr Karmel Gosnell waxa uu ahaa dhaqtar caan ah Isla markaana aad looga ixtiraamo magaalada uu degganyahay ee Philadelphia, gobolka Pennsylvania ee waddanka Maraykanka. Taariikhihiisii hore iyo waxbarashadiisii ka sokow, soddonkii sanno ee u danbeeyay waxa uu masuul caafimaad ka ahaa isla markaana ka hawlgali jiray goob caafimaad oo uu isagu furtay oo ku taalay dariiqa Lancester, Isla magaalada Philadelphia. Cusbitaalka Dr Gosnell waxa uu caan ku ahaa in uu sameeyo adeegga ilma iska soo ridka (Abortion).

Muddo soddon sanno ah oo adeeggan fulinayay marnaba lama filayn in qaabka uu adeeggaas u fuliyaa yahay mid gebi ahaanba baal marsan sharciga waddanka iyo xirfadda caafimaad ee loo maro adeeggan. Dr Gosnnel dumarka u yimaadda ee raba ilma iska soo ridka waxa uu siin jiray marka hore kiniino ka fooliya kadib ubadka ayuu maqas ku googoyn jiray isaga iyo kalkaaliyaashiisuba.

FBI iyo DEA (Drug Enforcement Administration) oo is kaashanaya ayaa sannadkii 2010 booqasho baadhitaan ah ku tagay cusbitaalka Dr Gosnell taas oo noqonaysa baadhitaankii ugu horreeyay ee lagu sameeyay cusbitaalka Dr Gosnell. Ciidamadan oo caddaynta baadhistooda watay waxa ay u socdeen in ay baadhaan dawooyin waqtigoodu dhacay oo laga soo sheegay in dhaqtarkaasi bukaanka u qoro in ay soo hubiyaan balse wixii ay u socdeen wax ka wayn ayay kala kulmeen cusbitaalkii.

Nadaafad xumadda, dhiigga ku daadsan dhulka, urta kaadida, sariiraha qaabka daran, shaqaalaha aan tababarnayn, xashiishka meel walba daadsan, bisadaha nool ee ka dhex buuxa goobta iyo saxarada bisadaha ee kaabadaha cusbitaalka sida xun ugu dhabooqnaa ayaa anfariir ku riday ciidankii FBI-da. Bashiish xumada ay cusbitaalka ku arkeen ka sokow, waxa kale oo ay indhahooga ku soo arkeen maalinkaas baco ay ku jiraan maydad ubad oo talaagad lagu guray. Waxa yaabkii ugu waynaa ku dhacay markii ay khaanad soo fureen ee ay ku arkeen caagado yaryar oo lagu kaydiyay xubno bini’aadan! Baadhitaankan waxa kale oo lagu ogaaday in qof bukaan ahi ku dhintay cusbitaalkan sannadkii 2009.

Febraayo 22, 2010, Dr Gosnell waxa xayiraad la saaray liisankiisa shaqada. Intaas wixii ka danbeeyayna waxa bilaabmay baadhitaano rasmi ah, waxaana la furay dacwad ka dhan ah diktoor Gosnell kaas oo lagu eedeeyay in uu yahay dilaa taariikhdu markii ay ahayd May 4, 2010. Dr Gosnell waxa uu ku andacooday in aanu denbiile ahayn waxaanay dacwaddiisa laga dhagaysanayay maxkamadda sare ee magaalada Philadelphia ku dhawaad sannad. January 19, 2011, shan cisho kadib markii maxkamaddu xukuntay ayaa la xidhay Dr Gosnell iyada oo lagu xukumay xabsi daa’ in. Eedaymaha  ku caddaa ee lagu soo oogay waxa ka mid ahaa:

– In uu dilay toddoba ubad ah oo nool isaga oo maqas ku jaray xangulayaashooda.

–  In uu masuul ka yahay dhimashada bukaan ku dhintay cusbitaalkiisa 2009.

– In uu si sharciga baal marsan u qoray dawooyin xaddigoodu badan yahay.

– in uu baal maray sharciga ah in aan (abortion) lagu samayn karin ilmo ka wayn 24 wiig.

– In uu maqas ku jarjaray in ka badan 100 ubad ah oo nolol iyo nolol la’aanba ku soo dhashay.

 

Qisadan waxa laga qoray buug kaas oo noqday buuggii ugu iibka badnaa xilliggii soo bixiddiisa. Sidoo kale waxa laga sameeyay filimkan.

 

Muna Axmed Cumar “Mullaaxo”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker