Jadwalka cusub Ee Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya Oo Lasoo Saaray.

Shirka Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada uga socdey magaaladda Muqdisho, ayaa la soo gabagabeeyay waxaana laga soo saaray jadwalka cusub ee doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxda ayaa isla meel dhigay in doorashada xubnaha aqalka sare ay dhacdo 25-ka July, 2021-ka.

Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa loo asteeyey mudada u dhaxeyso 10-ka August illaa iyo 10-ka September, 2021-ka.

Doorashada sida weyn loogga wada sugayo ee Madaxweynaha ayey hoggaamiyeyaashu ku heshiiyeen iney qabsoonto 10-ka October, 2021-ka.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale tixgelin siiyey dumarka, oo waxaa laga dhimey 50% khidmadda laga qaadayo haweenka u sharraxan baarlamaanka.

Arrinta Gedo, ayaa iyana waxaa loo saarey guddi dibu heshiisiin, oo uu magacaabay ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Halkaan ka Aqri Bayaanka ka soo baxay golaha wadatashiga qaran.

JADWALKA DOORASHADDA SOOMAALIYA IYO GO’AAMADA KASOO BAXAY SHIRKA WADATASHIGA DOORASHADDA
Muqdisho: 29 June 2021: Golaha wadatashi ee Doorashada Soomaaliya, ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha Doorashada uga socday Muqdisho.
JADWALKA DOORASHADDA
1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021)
2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)
3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021)
4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)
5. Doorashadda Xildhibaanada Doorashadda Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)
6. Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)
7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)

Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:
– Goluhu oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.
– Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker