Indhaha iyo caqliyada shacabka Somaliland Hoos ha ueegaan dalkooda bad iyo bariba . W/Q Abdifatah mohamed sahal

Assalaamu calaykum wa raxmatullahi waa barakaatu. Dhamaan  shaqaale waynaha Website-ka Hadhwanaagnews meel walbooy aduunka ka joogaan  marka hore wan salamaya . Marka ku xigta waxan halkan ka salaamaya iyagana dhamaan shacab weynaha Somaliland .  Intaa ka bacdi
Somaliland Dowlad kasto Soo marta waxay ku abtirsata  magaca Somaliland oo dhan ama isku duuban kuma abtirsato kamana iibiso caalamka inay reero isku tagay ama reer qudha ay kasoo jeedo
 . Shacabka reer Somaliland waxay heerka ay taagan yihiin iyo mid kasii hormarsan ku wada gaadhi karaan iyagoo gacmaha is haysta nin jeclaysi iyo waa  reer hebel midkoodna aan lahayn.
  tusaale kooban hadaan usoo qaato Wadanka Burkino faso la yidhaahdo wuxuu ka mid aha wadamadii uu gumaysan jiray Fransiisku  waxay ku caan ku ahayd sida afrikada kalaba loo dhaansado in kheyraadkeeda iyo hantideeda aayar layska rarto oo uu wadamada reer galbeedka iyo yurubiyaanka oo uu gadhwadeen ka ahaa faransiisku ay dareersadaan xoolihiii iyo hantidiii shacabka Burkiinofaso ,
Shacabkii wadanka daganana ama iskalahana ay gaajo iyo darxumo sida afrika lagu yaqaano cagahooda  safan ka duusho  darisna la noqdaan cuduro iyo  faqrinimo halkii ugu hoosaysay
Laakin waxa markii danbe ka dhiidhiyey oo illahay usoo diray Nin ka mid ahaa asakrtii Burkiino faaso ahaana Ninkii magaca Burkiino faaso u bixiyey oo macnaheedu yahay (Dhulkii dadka sharafta lah) Ninkaaso lagu magacaaaabi jiray Thomas Anakara uu majaraha u qabto kana xoreeyo gumaystihii  iyo  nxariislaaawayaashii dalkiisa dhanwalba ka fadhataysatay
Thomas Ankara wuxuu dalkiisa xaqiijiyey inay wax qabsan karaan iyagoo isku duuban waxsoo saaarkana ay xoog aad u saaraan dhistaana wadooyinka tareemadu maraan . wadooyinkaas oo lagu dhisay marka runta laga hadlo qalab tayo ahaan iyo tiro ahaanba ka hooseeya qalbka aynu maanta ku dhisano wadada ceerigaabo oo kaliya , laaaakin ay dadkiisii intay  gacmaha is qabsadeen iskaa wax u qabsana lagu dhisay waxyaabo badan oo ay ilaa maanta ku faaanto Burkiino faso. inakstoo la dilay markii danbe Thomas ankara oo uu afrikanu ninka wax u qabta ay ku caaroodaan waayo shilimaad yaryar bay la qiimo yihiin halka ninka cadaan ka ah ama caalamka hormaray kasoo jeedo sanadkiii uu kuxisaabtamo inuu ugu yaraan 10% ama 20% uu kordhi dakhligiisu….
Waxan uga danleeyay Somaliland waxay ubaahantahay inay gacmaha isqabsato  hormarna aynu wada hiigsano berri iyo badba aynu dhulkeena kala soo baxno si aynu badhaadhe u gaadhno iskana ilowno qabyaaaalad iyoninka haystaa hadaanu adeerkay ahayn ama reerka aan ka dhashay gar iyo gardaraba wuu khaldanyahay oo jaanis iyo wakhti qofka la siiyo dowlad ahaan iyo shacab ahaanbana la fahmo in dowladu ama siyaasadu tahay in lagu mashquula wax liita oo afrikanka uun laga helo iyo caqli xunta diirkoodu madowyahay
waayo intaynu inagu isku maqanahay badeeeenii iyo kheyraadkeenii rag sideenoo kale 9 bilooood ku dhashay baaa gurtay adiguna wali waxad tagantay wadanka ninka haystaa waa ayo waa qoloma
Ninkan far baa keentay iyo dumuqraadiyad berina wuu ka socda halaga daayo dowlada garab orodka iyo ka ciiidee ama yaanu geeedka gaadhina, isagu wax u dan ah oo uu qabanayaa iska yar, caqliyan a hadaan qofka maanta jogo aan ku amshquulo oon lafdhuun gashay ku nqodo dee aniga abriba layga jaraya dalkeenina qayrkeen baa bilaa rukhsad ku baaadhan doona kuna mijo xaaabin doona wakhti ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceena sida somalida lagu yaqaano ayaynu waagu inoo baryi doona oo aynu indhaha kala qaadi doona inagoo kawada xun wakhti tagayna tiigsimaad melaha ayay somalidu tidhaahda…..
dalku wuu inaga wada badanyahay aynu ka faa,idysano keena aqoonta leh ha inagu hogaamiyo waxa inoo fiican inaga ee yaanu haduu zaadkiisu waxba ka waaayo gabay iyo hadal jaban la so istaagin kamaradaha ee waaa in aynu iska wada qabanaa hadaynu dalkan dan ka leenahay,,,
wabilaahi towfiiq
waa walaakinn cabdifataax mohamed sahal

TimO203@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker