Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay sameysay Iran oo duqeeyay caasimadda Ukraine ee Kyiv

Caasimadda Ukraine ee Kyive waxaa subaxnimadii hore ee Khamiista maanta ah duqeeyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kamikaze ee ay samaysay Iran, iyadoo dadka agagaarka caasimadda ay kusoo tooseen digniinta hawada sare ee seeriga subaxii afraad oo isku xiga.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa gurmad degdeg ah ugu baxay goobaha ay ka dhaceen duqeymahan. Weli ma cadda inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ee duqeybtii ugu dambeysay ee Ruushku ka fuliyo Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka Kyiv Oleksiy Kuleba ayaa sheegay in duqeymahan ay ka dhaceen agagaarka magaalada caasimadda ah.

Ku xigeenka madaxa xafiiska madaxweynaha Kyrylo Tymoshenko ayaa ku sheegay Telegram in “xarumaha kaabayaasha muhiimka ah” ee aagga Kyiv la garaacay, iyada oo aan wax faahfaahin ah laga bixinin.

Weerarada Kyiv ayaa ahaa kuwa naadir ah kahor inta aan caasimada la duqeyn ugu yaraan afar jeer intii lagu jiray weeraradii waaweynaa ee Isniintii, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof.

Hoggaamiyayaasha reer galbeedka ayaa todobaadkan ballan qaaday inay hub badan u diri doonaan dalka Ukraine, oo ay ku jiraan nidaamka difaaca hawada.

Kyiv ayaa sheegay in ay muhiim u yihiin jabinta ciidamada Ruushka ee soo duulay.

Milateriga Ukraine ayaa toddobaadkan sheegay in difaaca cirka ee ay hadda leeyihiin ay soo rideen tobannaan gantaallo ah oo soo galayay Ruushka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed-136, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kamikaze kuwaas oo kaalin sii kordhaysa ku leh dagaalka.

AP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker