Oodweyne News - Latest Somali News Update

Ex-Gudoomiye Maxamed Sh Cismaan Jawaari oo ka Waramay Dagaalkii dhexmaray isaga iyo Madaxwayne Farmaajo

Waxaan Magaalada Nairobi ku kulanay Mudane Mohamed Sh Osman Jawaari oo ahaa gudoomiyihii 9aad iyo kan 10aad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed inta u dhexeysay 2012-2018.
Waxaan ka korarsaday taariikh aad ugu weyn umadda Soomaaliyeed waxay ii aheyd habeen iga duwan habeenada kale maxaa yeelay waxaan fursad aan u helay in aan dhageysto taariikh iyo dastuur nool oo socda isla markaasna wax badan i bareysa.
Isa salaamid iyo is maxabeyn kadib waxaan ugu gudo galanay is wareysigeen guud ee soomaaliya iyo gaar ahaan koofur galbeed sidii sheekaba sheeko ay i noo dhiibeysya waxaan dul istaagnay taariikh kasoo bilaabaneyso 1954 ilaa 2019 iyo doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo hab raacyadii loo maray.
Wuxuu ila wadagay in dalka ay doorasho ka qabsoomi jirtay shantii sano mar  lana qaban jiray bisha Maarso.
Doorashadii dhacday sanadkii 1962 markii ay dhamaatay mudo xileedkii halka sano ee ku meel gaarka ahaa ee Mudane Madaxweyne Adan Cabdulle Cusmaan (Cade), tirada guud ee shacabka soomaaliyeedna lagu qeysay 3 Malyan xiligaas labada magaalo ee aan tuulooyin hoos imaan waxay aheyn laascaanood iyo Berbera oo midiiba waxaa ka jirtay 113 xaruun cod bixin iyo 117 xaruun cod bixin magaalooyinka kale way ka badnaayeen xaruumahood cod bixnta Burhakabo oo kale waxaa ka jirtay ku dhowaad 170 xaruun cod bixin ah.
Sanadkii 2016 suuro gal ma aheyn in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod waxaan soo jeediyey in la sameeyo gole ay u dhanyihiin saamileyda siyaasada ee umadda soomaaliyeed si aan uga tashano halka laga yimi oo ah in dalka dibadiisa doorasho lagu qabto iyo halka la joogo sanadkii 2012 dalka doorasho lagu qabatay gaar ahaan magaalada muqdisho iyo xildhibaanada hal oday uu soo xulaayey iyo Halkeen ka adi karnaa halkan?
Beesha caalamka oo dhuunta noogu jirtay oo maalin kasta na lahaa waad qaban kartaan ee qabta doorasho hal qof iyo hal cod ayaan waxaan soo jeediyey in la sameeyo doorasho dadban isla markaasna goobaha doorashada lagu qabanaayo la badiyo oo magaalada muqdisho banaanka looga baxo iyo meeshii hal oday wax soo xuli lahaa tiro ka badan la sameeyo kadib waa la ila qaatay sidaas ayaan doorasho ku aadnay waan lagu guuleystay Allah ayaana ku mahadsan.
Waxaan ku iri Mudane Gudoomiye Maxay Xukuumada Mudane Madaxweyne Farmaajo kugu maagtay?.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ii yeeray iguna yiri dalka waxaan rabaa in aan doorasho hal qof iyo hal cod ah ka hirgeliyo marka waxaan kaa rabaa in aad igala shaqeeyso, Ma xumo ayaan ku iri balse waxaan weydiiyey sidee ayaad ugu hirgelin kartaa arintaas bal ii sheeg?, Sidaas ayaan rabaa ayuu ka badin waayey wax jawaab ah wuu iga siin waayey markaas ayaan ugu warbixiyo in aysna suuro gal ku aheyn dhowr arimood ay ka mid tahay in uusan dalka gacanta ku wadi jirin iyo imkaaniyaadka la haysto, waxaan tusaale ugu soo qaatay 1962 oo dadka intaan ay ka yaraayen dalkana uu xor ahaa wixii dhib ah laga maray iskaba daaye doorashadii 1967.
Mar kale ayuu hadalka uu ku laabtay madaxweyne Farmaajo wuxuuna igu yiri dhowr goobood oo dadka la isugu keeno in ay ka dhacdo doorasho shacabka ay ku dooranayaan madaxweynaha ayaan rabaa, Taasi hadii ay dhacdo awoodaha madaxweynaha iyo Barlamaanka ay sinaanaayo korjoogteyna majiro doonto, Waxaan ku iri mudane madaxweyne arintaas ma suuro gali karto aniga oo dhowr meelood oo sharci ah ka tusay laakin kuma uusan qancin. Arintaas ayaa ugu weyneed wax ay igu maageen.
Waxay ii aheyd habeen aad iigu qurux badan oo aan wax badan ka bartay taariikhda umadda soomaaliyeed iyo siyaasadaha is diidan oo dalka kasoo jiray inta u dhaxeysa 1954–2019.
Waan soo kabay maxaa yeelay qormadaan kuma wada dhameystiri karo wixii aan kala soo kulamay arimihii aan Koofur galbeed qormo kale ayaan kasoo sameyn doonaa hadi Rabi idmo.
Mahadsanidiin.
W/Q: Mohamed Ali Barre