Dalkii ugu horreeyay adduunka ee cidhibtiray Coronavirus iyo xeeladaha uu adeegsaday

16 maalmood dalka New Zealand lagama helin hal xaalad oo Coronavirus ah sida, cid hadda xanuunkaas qabtaana kama jirto, kaddib markii dadkii hore looga helay ay dhinteen ama bogsadeen.

 

Raysalwasaaraha dalkaas, haweenayda 39 sano jirka ah ee Jacinda Ardem oo sababta guushaas xakamaynta xanuunka wax laga weydiiyeyna waxa ay sheegtay in waxa keliya ee ay sheegi kartaa uu yahay in dalku uu si degdeg ah u qaaday tallaabooyinka xakamaynta faafinta xanuunka oo ay ka mid tahay xayiraado iyo bandoo adag oo isla markii xaaladda koowaad la arkayba lala bilaabay.

 

Tirada dadka dalkaas uu COVID-19 ku dhacay ayaa ah 1’504, waxaa dhintay 22 ruux, inta kalana dhammaantood waa ay bogsadeen oo hadda ma jirto cid xanuunkaas qabtaa.

Arrintaas ayaa sababtay in dalkaasi uu ku dhawaaqo in la qaaday dhammaan xayiraadihii nolol maalmeedka dadka dalkaas saarnaa ee lagu xakamaynayey xanuunka, xaaladduna ay ku soo noqotay sidii Coronavirus horteed ay ahayd.

 

Talefishanka Jarmalka laga leehay ee DW oo arrintan warbixin ka sameeyey ayaa sheegay shan tallaabo oo ay qaadday raysalwasaare Jacinda, oo uu u sibir saaray guusha laga gaadhay xakamaynta xanuunkaas, kuwaas oo ah:

 

1. Xayiraadda oo degdeg loo geliyey dalka, isla markaana ahayd tallaabooyin xayiraad iyo bando aad u adag ah. Isla markii xaaladda koowaad ee xanuunkani soo baxday waxa ay dawladdu muwaadiniinta u dirtay farriin ay ka mid ahaayeen ereyadani, “Halka aad caawa joogtaa meel kasta oo ay tahay, waa halka ay waajib kugu noqon doonto in aad joogto hadda laga bilaabo. Waxa aanay u eegtahay in tallaabooyinkaas bandooda ahi ay dhowr toddobaad socon doonaan” sidaas ayaana lagu dhaqan geliyey.

 

2. War isgaadhsiinta dawladda iyo rayidka oo aad u sarraysay. Tusale ahaan hadallada wacygilinta ah iyo amarrada xakamaynta ah ee dawladda ka soo baxaya ayaa ahaa kuwo si dhaqso ah oo dhammaystiran laguna qanci karo u wada gaadhayey muwaadiniinta.

 

3. Awoodda shaybaadhka xanuunka ee dawladda oo aad loo xoojiyey, lana horumariyey. Waxaa la soo rogay shaybaadh furan oo maalin kasta lagu shaybaadhayo 8 kun oo qof, waxaana la tayeeyey awoodda iyo tayada shaybaadhka.

 

4. Bedka dalka iyo halka uu adduunka ka dhaco ayaa iyaguna caawiyey. New Zealand bedkeedu waa 176,120 km oo isku wareeg ah, dadkeeduna waxay inyar ka badan yihiin, 5 milyan iyo 6 kun 780 ruux. Baaxadda dhulkeeda awgii waxaa dalka ku yar cidhiidhiga dadka, dalkuna waa jasiirado oo ma jiro xad berri ah oo si fudud looga soo gudbi karaa, sidaas awgeed waxaa dawladda u fududaatay in ay xakamayso soo gelintaanka dalka.

 

5. Markii uu Xanuunku bilowdayba waxa uu dalka New Zealand dejistay buug hage ah oo ay ku caddahaay siyaasadda dawladda ee ku aaddan xakamaynta xanuunka iyo tallaabooyinka ay tahay in la raaco, waxa aanay rumaysay in dawladda iyo muwaadiniintuba raacaan hagitaankaas oo marka horena qaab cilmiyeysan iyo daraasado lagu diyaariyey.

Qodob ka mid ah buugga hagaha ah ee qaranka waxa ku jiray ereyadan, “Soo hel ruuxa looga shakisanyahay xanuunka, shaybaadh, karantiin, xaalad kasta oo fudud ama culus daryeel fiican oo caafimaad sii, si adagna u raadi cid kasta oo uu bukaankaasi la macaamilay ama xidhiidh la sameeyey”.

 

Kamaal Axmed Cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker