Booliska Soomaaliya oo baafinaya dahab baadi ah

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 21-kii bishii Novembar ee sanadkan, qoys ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed ay degmada Deeynile gaar ahaan xaafadda Oodweyne ka heleen cadad dahab ah.

Waxay sheegeen in qoyskaas oo istimaalaya booliska Soomaaliyed in ay raadinayaan cidii iska lahayd dahabkaas.

‘Qofka uu dahabkaas ka maqanyahay waxaa looga baahanyahay inuu sheego goobta uu dahabkaas ugu lumay, cadadkiisa, iyo nooca uu yahay dahabkaasi’, ayuu yiri Afhayeenka booliiska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe).

Afhayeenka oo aan goor dhow la xirriirnay, ayaa inoo sheegay in weli aanan la helin ciddii lahayd dahanbkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker