Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Dolnad Trump Oo Joojiyey Heshiiskii Maraykanku La Galay Kooxda Taalibaan

Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu joojiyay heshiis nabadeed oo uu dalkaasi la galay ururka Taalibaan.

Mr Trump ayaa waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay farriin uu ku sheegayo inay aheyd inuu Axadda La kulmo Madaxweynaha Afgaanistaan, Ashraf Ghani, iyo hogaamiyayaal sarsare oo Taalibaan ka tirsan.

 

Hasayeeshee waxa uu baajiyay shirkaasi ka dhici lahaa Camp David kaddib markii Taalibaan ay sheegatay inay ka dambaysay weerrar dhawaan ka dhacay magaalada Kaabul kaas oo uu ku dhintay askari Ameerikaan ah.

Ninka Mareykanka u qaabilsan wada-xaajoodka Zalmay Khalilzad ayaa waxa uu Isniintii ku dhawaaqay in ‘mabda’ ahaan’ heshiis nabadeed lala gaadhay Taalibaan.

 

Waxa ayna middaasi timid kaddib wadahadallo sagaal wareeg galay oo u dhaxeeyay Mareykanka iyo xubno matalayay Taalibaan, kulamadaas oo ka dhacay magaalada Dooxa, ee Caasimadda dalka Qatar.

Heshiiska qabyada ah ayaa waxaa ka mid ah, in Mareykanka uu muddo 20 todobaad gudahood ah uu dalka Afghanistaan kala baxo 5,400 oo askari.

 

Sikastaba xaalku ha ahaadee, Mr Khalilzad ayaa sheegay in meelmarinta ugu dambaysa ee heshiiskaasi uu go’aankeeda leeyahay Mr Trump.

Mareykanka ayaa haatan waxaa dalkaasi ka joogta ku dhawaad 14,000 oo askari.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker