“Wasiir Askariga Ilaaladiisa Ah, Xoghayntiisa Gaarka Ah Iyo Maamulkiisa Lacagta Ka Dhigtay Ilma-Adeerradii Ma Wasiir Qaranbaa, Mise Waa Caaqil Qabiil”.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa xaalad walaac leh oo haybadda qarannimo ku fool xun ku tilmaamay arrin uu sheegay in ay ku kacaan qaar ka mid ah wasiirrada dalku oo marka xilka loo dhiibo dhammaanba xubnaha ku dhaw xafiiskiisa ka wada dhiga qoyskiisa taasina wasiirka ka dhigayso mid qoys ee aanu sidaa ku noqonayn wasiir qaran.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Barkhad Jaamac Batuun oo sidoo kalena ah Musharrax u taagan Golaha Wakiillada Somaliland doorashada soo socota ayaa waxa uu sheegay in Wasiir marka uu xil umadeed qabto askariga ilaaladiisa ah, Xoghayntiisa gaarka ah, Darawalkiisa iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda wasaaraddaasi uu joogo ka wada dhigaya dad qoyskiisa ahi in aanu ahayn wasiir umadeed ee uu yahay wasiir qoys ama caaqil reer sida uu hadalka u dhigay inkasta oo Afhayeenka Xisbiga WADDANI aanu magac dhabin magaca wasiirka uu sheegayo.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Barkhad Jaamac Batuun oo qoraal kooban oo uu shalay ku baahiyey Barta uu ku leeyaay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook arrinkan kaga hadlayaa waxa uu yidhi: “Wasiirka xil Xukumaddeed loo magacaabo marku Askarigiisa Inadeerki ka dhigto, Xog-hayntiisana Inadeerki ka dhigto, Darawallkiisana Inadeerki ka dhigto, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaraddana Inadeerki ka dhigto, Ma noqoneysaa Wasaaraddu Wasaarad qaran oo Wasiir qaran joogo mise waa Wasaarad qoys oo Caaqil qoys joogo? In wali fahamka dawladdeed iyo hannaanka maamul wanaag la fahmi waayaa Waa arrimaha haybaddii iyo sharafti Hay’addaheena Dawladdeed laga rabay ka qaaday”!

In badan dadka siyaasadda qabiilaysan ee dalka dhaliilaa waxa ay walaac ka muujiyaan hannaanka uu qabiilku ugu dhex milmay dhismaha qaranka, kaasi oo dhaawac weyn ku ah dhismihii qaranka iyada oo ay muhiim tahay in la kal saaro qabiilka iyo qabyaaladda. Maadaama qabaa’ilku yihiin hannaanka ay umaddeenu u qaabaysan tahay balse loo baahan yahay in aan lagu dhaqnin qabiil iyo qaraabo kiil cadaw u ah dhismaha dawladnimo ee dalkeena.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker