Baro-kicinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga!

Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuwa dib-u-dhacu ku socdo. Ereyo badan oo asalkoodu Soomaali ahaa ayaa meesha ka baxay ama ka sii baxaya kadib markii lagu doorsaday ereyo qalaad oo dhiggooda ah.

Afafku way kala ergistaan ereyada qaarkood laakiin waa marka afkaasi u baahdo in uu soo amaahdo erey laga waayay afkiisa. Af-Soomaaliga waxaa ka buuxa ereyo lagaga maarmi karo ergisashada af qalaad.  Wakhti oo Carabi ah wuxuu Soomaaligu u leeyahay ammin, xilli, iyo kansho. Sidoo kale ereyga jaar oo isna Carabi ah Soomaaligu wuxuu u leeyahay deris, olog iyo ood-wadaag. Waxa jira ereyo badan oo arrimo kala duwan loo adeegsan karo asalkooduna Soomaali yahay laakiin aynu u soo amaahano ereyo la mid ah oo aan baahi loo qabin.

Laba meelood oo Af-Soomaaligu dhaawac ka qabo ayaa keentay in UNESCO ku darto liiska afafka yeeshay astaamihii dhimashada. Midi waa xasillooni-darrada qoraalka oo wali qabyo ku ah halkii ay dhigeen guddiyadii kala dambeeyay ee qoraalka Soomaaligu. Ta labaadna waa ku-hadalka oo weerar xoogani kaga socdo afaf kale oo ka awood iyo dhaqaalae badan, gaar ahaan Carabi iyo Ingiriisi. Taasi waxay keentay in tarankiisu yaraado erayo badanina ay dhintaan.

Aan soo qaadano tusaalayaal kooban oo ina tusaya ereyo qalaad  oo bara-bixiyey Soomaali ah.

Soomaali Af qalaad
Weydiin Su’aal
Warcelin Jawaab
Caabuq Infakshan
Miyir-beel Koomo
Dadwayne Shacab
Sooyaal Taariikh
Gegida diyaaradaha Eeriboodh
Ammin, xilli, Wakhti
Toddobaad Wiig
Deris, ood-wadaag, olog Jaar
Buuni Caalim
Ilaaliye Waashmaan
Googo’ Sarif, sirsir
Kansho                            jaanis
Shisheeye Ajaanib
Abxad Sanduuq
Fandhaal Mulqacad
Oddoros Qiyaas
Hadhimo Qado
Afur Quraac
Hoobal Fannaan
Jaad Nooc
Dhabcaal Bakhayl
Garasho, kasmo Fahmo
Cusbo Milix
Fuud Maraq
Rabrab Sariir
Garsoor Maxkamad
Warbaahin Saxaafad
Xeedho Saxan
Baroordiiq Tacsi
Hodan Taajir
Garaad Caqli
Wadne Qalbi
Bariido Salaan
Gu’ Sannad
Suudal (dhuyaal) Tahriib
Arooryo Subax
Fool Waji
Gadiid Duhur
Af Luuqad
Bare Macalim
Adeegsi Isticmaal
Durraansi Duco
Waddo Dariiq
Arin Xaajo
Xigaal Ehel
Cudhaadh, Qabay Rahmaad
Ciidan Shaqaale
Socdaal Safar
Aayo Mustaqbal
Kor-tag Suuli
Rubad Naf
Dux Nafaqo
Dabayl Hawo
Cir Samo
Hagarbay, Agabare Xaqul-qalin
Isu-soo-bax Mudaharaad
Uskag Wasakh
Is-maandhaaf Khilaaf
Carro-Edeg Caalam

Waxa Qoray: Abwaan Yuusuf Shaacir

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker