Wadahadalada Nabadda Suuriya Ee Geneva Oo Aanay Wax Natiijo Ahi Ka Soo Bixin.

Geneva -(OWN)-Wadahadalladii ka soconayay magaalada Geneva ee loogaga gol lahaa in lagu dhiso guddi ka soo shaqeeya dastuurka Suuriya ayaa soo dhammaaday iyadoo uusan ka soo bixin wax rasmi ah oo la taaban karo.

Wadahadalladan oo ay garwadeen ka aheyd Qaramada Midoobay ayna ka qeybgaleen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Ruushka, Iiraan iyo Turkiga, ayaa qeyb ka ahaa dadaallada ay Qaramada Midoobay waddo ee lagu midaynayo bulshada dalkaasi Suuriya si loo sameeyo dastuur cusub, doorashooyin loo qabto, nabad waartana dalkaasi looga hirgaliyo.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa gabagabadii shirka waxa uu isticmaalay luuqad dublamaasiyadeed.

Waxa uu sheegay in wali ay harsan tahay masaafo dheer oo qayb ka ah geedi socod muddo dheer socday.

Balse xaqiiqada ah in wadxaajoodyada socday muddo biloooyiin ah aan wali heshiis kama dambeys ah laga gaarin xubnaha guddiga samaynaya dastuurka ayaa ah mid muujinaysa sida ay u adagtahay in xal waara laga gaaro dhibaatda Suuriya.

Kulankan Geneva ku soo gabagaboobay waxaa goob joog ka ahaa saddax quwadood oo galaagalka ugu wayn ku leh arrinta Suuriya.

Ruushka, Turkiga iyo Iiran, ayaanan u muuqan in ay soo kordhiyeen door muhim ah,balse waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in meel dhexe la isugu yimaado.

Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in la helo guddi lagu kalsoonaan karo,isu dheeli tiran islamarkana laga wada qayb qaato.

Balse mucaaradka iyo dowladda Suuriya iskuma raacsano waxa ay noqon karto isu dheelitirnaan iyo cidda ay tahay in guddiga ay qayb ka noqoto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker