Gunnar Solskjaer Oo Gaadhay Rikoodhkii Ugu Xumaa Ee Loo Diiwaan Galiyo Man United

Tababaraha kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa waxaa saaran cadaadis kadib guuldaradii lama filaanka aheyd ee ka soo gaadhay kooxda Newcastle ciyaar ka tirsaneyd Premier League.

 

Manchester United ayaan Caydhin doonin Ole Gunnar Solskjaer inkasta oo guuldarro 1-0 ay ka soo gaaedhtay kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa Premier League.

 

Red Devils ayaa ku jirta kaalinta 12aad waxaana ay badiyeen kaliya labo dhibcood u jiraan booska loogu laabto heerka labad kadib qasaarihii Newcastle.

Solskjaer ayaa sagaal dhibcood ka helay sideedii kulan ee furitaanka xili ciyareedkaan wuxuuna dhigay rikoor cusub oo ah kii ugu xumaa abid kooxdan ka furato Premier League.

Waxay ka hooseeya tababare David Moyes kaasoo 11-dhibcood helay markii uu ciyaaray 8 kulan sanadkii 2013-markaasoo shaqada laga ceyriyay ka dib 10 bilood oo uu macalin ahaa.

Laakiin inkasta oo qaab ciyaareed kiisu xun yahay hadana Glazer ayaan lahayn wax qorshe ah oo ay ku eryaan Solskjaer, sida laga soo xigtay Daily Star.

Milkiilayaasha Utd ayaa tixgeliyay tirada ciyaartoy waqtigan ka maqan kooxda United kuwaasoo bilaabashadoodii ugu xumaa kujira.

Paul Pogba, Anthony Martial, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka iyo Luke Shaw ayaa dhamaantood ka maqnaa guuldaradii kasoo gaartay kooxda Steve Bruce ee Newcastle.

Glazer ayaa diyaar u ah in waqti lasiiyo Solskjaer laakiin walwalka taageerayaasha ayaa sii kordhaya iyadoo muuqaal xun uu ka jiro Old Trafford.

Ed Woodward wuxuu ka walwalsan yahay in ciyaartooydu aysan wax kalsooni ah ku qabin tababaraha islamarkaana qolka labiskana qatar ugu jiro inuu qalalaaso ka dhaco.

Gudoomiye ku xigeenka fulinta United ayaa si cad u taageeray Solskjaer bishii hore laakiin haatan wuxuu ka walaacsan yahay xeeladiisa iyo awoodiisa uu kooxda ku maamulo.

Woodward wuxuu kaloo qabaa walaac ah in naadi ay ku sii yaraaneyso kalsoonida garoonka
United ayaa ka walwalsan carada David De Gea ka dib ciyaartii ay la ciyaareen Newcastle iyadoo sidookale Paul Pogba uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Real Madrid bisha Janaayo.

Ciyaartii St James Park kadib goolhayaha reer Spain ayaa yiri: “Ciyaarta lama aqbali karo. Xilligaan oo kale ma aqbali karno annaga. Waxaan haynaa wax badan oo aan horumar ku sameynno. Ma aqaano waxaan dhaho. Waxaan ubaahanahay inaan horumar sameyno. ”

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker