Goomiyaha Gudidia doorashooyinka qaranka Somalia oo ku Baaqday in Laga Raro Xafiiska ay imika ku shaqeeyaan oo ku dhexyaalla Villa Somalia

Muqdisho (OWN) – Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka Somalia ayaa sheegay in guddiga ay la soo gudboonaatay caqabad dhanka shaqada ah oo la  Xidhiihda dhex daganaanta guddiga ee Villa Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan doorashooyionka Qaranka  Xaliima Ismaaciil Yarey ayaa sheegtay in guddiga ay dhibaato  ka heysato dhanka shaqada, madaama gudidu ay ku shaqayso  Xafiis ku dhexyaalla  Villa Soomaaliya.

 

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegtay in guddiga horay loo siiyay dhul weyn walina aan loo dhisin, guddoomiye Xaliimo ayaana carabka ku dhufatay in guddiga uu baahan yahay inuu ka dhex baxo Villa Soomaaliya si  uu u Noqdo Mid ay U siman yihiin dhammaan Xisbiyada siyaasadda ee dalka ku loo lamaya.

 

 

Dhanka kale guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka ee Soomaaliya Beesha caalamka iyo cid waliba oo daneynaysa in dalka doorasho xor iyo xalaal ah ay ka dhacdo ay ku taageeraan sidii guddiga uu dagi lahaa booskii horay loogu qorsheeyay, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa ”Waxaan marka kale ku celinaynaa guddiga dhul weyn ayuu leeyahay, cid kasta oo Soomaaliya oo doorasho dan ka leh iney nagu taageerto sidii aan meeshaas ku dagi laheyn oo xafiisyo aan uga heli laheen, waxaa kale oo aan aad u weydiisaneynaa dowladda Soomaaliyeed in ayaduna nagu taageerto, sidoo kale beesha caalamka arrimaha dhaqaalaha iyo farsamada Soomaaliya ayaguna indhaha aysan iska tirin ee ay nagu caawiyaan”

 

 

Hadalka maanta ka soo baxay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ayaa imaanaya ayadoo guddiga uu dhex dagan yahay gudaha Villa Soomaaliya, taas Xisbiyada qaar ay ku dhaliileen in guddiga uusan aheyn guddi madax banaan walaacna ka muujin shaqadiisa gudaha Villa Soomaaliya uu ku shaqeeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker