Zelensky oo Mareykanka ka codsaday kaalmo militari oo dheeraad ah

Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ayaa u sheegay Congress-ka Maraykanka in kaalmada Ukraine ay tahay maal-gelinta dimoqraadiyadda ee “aysan ahayn sadaqo” isaga oo ka codsaday caawimaad dheeri ah, mar uu xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay fadhiga wadajirka ah ee Congress-ka Mareykanka.

Hadalka Zelensky ee Arbacadii ayaa kusoo beegmaya iyadoo xisbiga Jamhuuriga – oo qaarkood ay muujiyeen shakiga sii kordhaya ee ku saabsan in gargaar badan loo diro Ukraine – iyada oo xisbiga Jamhuuriga uu isku diyaarinayo inuu Dimuqraadiga kala wareego aqlibiyadda Aqalka Wakiillada 3-da Januray.

Qaar ka mid ah Jamhuuriyada mayalka adag ayaa xitaa ku boorriyay in la joojiyo kaalmada iyo in la baaro si loo ogaado sida loo isticmaalo lacagta loo qoondeeyay.

“Kaalmadiinu maaha sadaqo, waa maalgashi lagu sameeynayo amniga caalamka iyo dimoqraadiyadda, taas oo aan u isticmaalno si mas’uuliyadi ku jirto,” ayuu Zelensky u sheegay kalfadhi wadajir ah Senate-ka iyo Aqalka Wakiilada Mareykanka, isaga oo ku hadlayay Ingiriis.

Zelensky ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden kahor inta aanu la hadlin fadhiga labada aqal.

Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay 1.85 bilyan oo kale oo kaalmo militari ah oo loogu talagalay Ukraine, oo ay ku jirto qalabka difaaca hawada ee Patriot, si uu uga caawiyo inay ka hortagaan gantaalaha Ruushka.

 

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker