Xaaladda qiimo kaca iyo korodhka xad-dhaafka ah ee ku yimid maciishadda Dalka

Saddexdii Toddobaad ee ugu dambeeyey waxa cirka isku shareeray qiimaha badeecooyinka quutal daruuriga ah, shidaalka iyo gaasta wax lagu karsado taasi oo gabi ahaanba cidhiidhi galisay nolosha marka horeba iska liidatay ee shacabka Somaliland oo u badan dad danyar ah oo aan waxba haysan, halka taa baddalkeeda illaa imika aanay xukuumadda Somaliland wax tallaabo ah qaadin.

Inkasta oo ay muddoba isa soo taraysay xaaladda sicir bararka xadhka goostay ee dalka ka jiraa haddana waxa si layaab leh saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyey cirka ugu shareermay qiimaha suuqyada lagu kala siisto dhammaanba badeecooyinka aasaasiga ah ee quutal daruuriga ah sida Raashinta iyo waxyaabaha la xidhiidha, halka ay sidoo kale cirka marayaan qiimaha shidaalka iyo gaasta wax lagu karsadaa, arrintaasi oo cidhiidhi xooggan galisay nolosha danyarta reer Somaliland oo xaalad walaac leh ku sugan haddii aan gurmad dagdag ah laga galina keeni karta masiibo qaran oo waxyeelo u gaysan karta nolosha shacabka.

Wariye ka tirsan Wargeyska Foore oo u kuur galay xaaladda qiimo kaca iyo korodhka xad-dhaafka ah ee ku yimid maciishadda ayaa noo xaqiijiyey in ku dhawaad laban laab ay kaceen ascaarta badeecooyinka kala duwan ee quutal daruuriga ah, kadib markii ay ganacsatada soo dhoofisaa muddooyinkii ugu dambeeyey si xawli leh u kordhinayeen qiimaha ascaarta badeecooyinka. Waxa isaguna kor u sii socda qiimaha shidaalka oo halkii Litir uu ku dhaw yahay Hal Dollar, halka ugu dambayn shalay ay Iyana dhinacooda ganacsatada waaweyn ee dalka keenta gaasta cuntada lagu karsadaa ay ku dhawaaqeen qiimo korodh laxaad leh oo halkii selender ee kali ah ay ku dareen wax ka badan 2$.

Sicir bararkan xadhkaha goostay ayaa muddooyinkii dambe si tartiib tartiib ah u soo kordhayay isaga oo maalmihii ugu dambeeyey uun mar kali ah xadhkaha goostay taasi oo aan illaa hadda la ogayn sababtiisa. Ganacsatada dalka ayaa mar walba ku dooda in ay wax ka qaaliyoobeen dhinaca dibadda ee ay wax ka soo dhoofiyaan balse ma jiraan caddaymo rasmi ah oo muujinaya sida ay wax uga kaceen dhinaca dibadda. Waxaana dhacda marar badanna ay caado u leeyihiin ganacsatadu in marka ay wax kordhiyaan haddii ay dibadda wax ka jabaan aanay dib uga soo celin halkii ay gaadhsiiyeen taasi oo muujinaysa tamar darrada iyo sida aanay xaaladahan oo kale waxba uga qaban xukuumadda iyo laamaheeda u xil saarani, culayskuna uu mar walba ku sii kordho kaliya dadka danyarta ah ee kifaaxa kula jira nolal maalmeedka.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) uu si layaab leh uga hadlay xaaladda qiimo kaca maciishadda iyo gaar ahaan shidaalka isaga oo sheegay in adduunka ay wax waliba ka kaceen oo aanu ahayn wax dalkeena ku kooban isaga oo aan haba yaraatee ka hadal waxa ay ka xukuumad ahaan qaadayaan ama ay ku wajahayaan xaaladdan halista ah.

“Ninka Ganacsada ahi waxa uu rabaa in uu wax helo, maanta am difaacayee waxaan qabaa in uu helo macaashka ugu yar” sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo bishii hore saxaafadda la hadlayay mar uu hor tagay guddida Maaliyadda, ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Golaha wakiillada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker