Waxaan ku Jiraa Wakhtigaygii ugu Adkaa ee dhanka Kubadda Cagta,, Paul Pogba

Laacibka Paul Pogba ayaa markii ugu horreysay ku furtuuray tababare Ole Gunnar Solksjaer oo la miciinsaday kursiga kaydka, waxaanu xaqiijiyey in aanu ku faraxsanayn doorka laga siinayo kooxda.

 

 

Laacibka reer France waxa uu hoosta ka xariiqay inuu ku jirto waqtigiisii ugu adkaa intii uu xirfadda kubadda cagta ku jiray,

 

Xilli uu kasoo muuqday 10 ciyaarood dhamaan kulamadii Premier League iyo Champions League ee xili ciyaareedkan, kuwaas oo qaarna uu beddel ku soo galay kuwo kalena uu qayb ka ahaa  bilowgii Ciyaarta.

 

 

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la rumaysan yahay inuu saluug badan ka qabo qaab ciyaareedka Paul Pogba oo isaguna bandhig fiican kaga jawaab celiyey kulankii Portugal ay 1-0 kaga badiyeen Sabtidii, taas oo waqti dambe la saaray.

 

 

Waraysi uu siiyey warbaahinta RTL ayuu Pogba ku sheegay inuu ku jiro waqtigii ugu adkaa xirfaddiisa, balse uu culayska kaga nafisay ciyaaraha qaranka France, waxaanu yidhi:

 

Waligay ma garanayo waqti igaga adag intii aan xirfadda kusoo jiray.

“Kooxda qaranku waxay ii tahay hawo beddel, sababtoo ah, waa kuwo cajiib ah.”

 

 

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa hore u shaaciyey inay ka caawinayaan Pogba sidii uu u heli lahaa bandhiggisii fiicnaa, waxaanu yidhi:

 

Wuxuu ku jiraa xaalad kooxdiisa aanu ku faraxsanayn, sidoo kalena aanay ciyaartiisu gaadhsiisnayn heerkii ugu fiicnaa.

 

 

“Kuma jiro waqtigiisii wanaagsanaa, sababtoo ah waxa soo gaadhay dhaawacyo badan iyo Covid-19 oo si adag ugu dhacay. Wuxuu u baahan yahay inuu helo firfircoonidii.”

 

 

Pogba ayaa helaya fursad kale oo uu bandhig fiican ku samayn karo marka xulka qarankiisa France uu Salaasada waajaho Sweden oo ay ku ballansan yihiin kulan ka tirsan UEFA Nations League.

 

 

Sabtida toddobaadka soo socda ayay Manchester United iska hor iman doonaan West Ham United oo ay ku martigelin doonto Old Trafford, taas oo uu rajaynayo inuu dib u heli doono doorkiisii ku soo bilaabashada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker