C/maalik Muuse Coldoon oo ka hadlay maxkamadda horteeda markii ugu horaysay

Coldoon oo shalay  maxkamadda horteeda markii ugu horaysay ka hadlay muudo 130 maalmood ah kaddib ayaa yidhi :
“Waxa ay ahayd in maanta la maxkamadeeyo kuwii keenay Joy Isa iyo Anderson Cooper ee aan aniga la i maxkamadayn”
“Eedaha ay soo qoreen booliska iyo xeerilaalintu waa kuwo been-abuur ah oo lagu majarahabaabinayo runta”
“Maxaa Burco la ii soo dhaafiyey haddii ay cadaaladi jirto illeen Burcoba maxkamad iyo jeelba way leeedahaye ?! “
“Dugsiga abaarso laba arimood baan ka sheegay labaduba waa dhab, waxa aan ka sheegay in gaalada furatay dugsigaa aanay bilaa ujeedou furan ee ay u jeedo fog ka leeyihiin jiilkeena soo socda”
” Gaalku waa cadowga muslimka , cadowguna waa cadow ee ma aha saaxiib iyo gacaliiye ilaahaybaana quraanka inoogu sheegay gaal waxa uu yahay waxaanu Allaah yidhi :
” : مَّا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَٰبِ وَلَا ٱلْمُشْرِكِينَ أَن يُنَزَّلَ عَلَيْكُم مِّنْ خَيْرٍۢ مِّن رَّبِّكُمْ ۗ ………”
Oo micnihu yahay : Ma jecla kuwa gaaloobay ee ka mid ah ehelu kitaabka ( yuhuud iyo nasaaro ) iyo mushrikiintu in wax khayr ah la idiinka soo dejiyo xaga rabigiin .
Waxa kale oo uu ilaahay quraanka ku sheegay :
” وَلَن تَرْضَىٰ عَنكَ ٱلْيَهُودُ وَلَا ٱلنَّصَٰرَىٰ حَتَّىٰ تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ…..”
Oo micnuhu yahay : kaa raali noqonmaayaan yuhuudda iyo Nasraadu illaa aad raacdo diintooda mooyaane .
Sidoo kale waxa uu ilaahay quraakiisa ku xusay :
“يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تُطِيعُواْ فَرِيقًا مِّنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلْكِتَٰبَ يَرُدُّوكُم بَعْدَ إِيمَٰنِكُمْ كَٰفِرِينَ”
Oo micnuhu noqonaya : Kuwa rumeeyow, haddii aad u hogaansantaan koox ka mid ah kuwa la loo keenay kitaabka ( waa yuhuudda iyo nasaarada e ) rumayntiinna kadddib waxa ay idinka yeelayaan ama idinka dhigayaan gaalo “
“Aniga waxa la igu haystaa waa wanaag aan faray iyo xumaan aan reebay”
” Garsoore waxa aan joogaa maanta meeshii culumadii diiday in la badalo aayaatka dhaxalka ee kaddibna la laayey.Sidii aad arinkayga ka yeeli lahayd waa mid adiga kuu taal.
” Ilaahay wuxu yidhi :
وَلَا تَحْسَبَنَّ ٱللَّهَ غَٰفِلًا عَمَّا يَعْمَلُ ٱلظَّٰلِمُونَ ۚ إِنَّمَا يُؤَخِّرُهُمْ لِيَوْمٍۢ تَشْخَصُ فِيهِ ٱلْأَبْصَٰرُ
Ha u malayn in Alle mooganyahay waxa ay dulmifalayaashu samaynayaan , waxa kaliya oo uu dib ugu dhigayaa maalin uu aragu talligmayo”
“Joy Isa waxa ay ka dhigantahay oo kale Shiikh Dirir oo loo dhiibay dugsi ku yaalla qaybta ay yuhuuddu haysato ee dhulka Filisdiin”
“Pastor micanaha aynu u naqanaa waa baadari/baadariyad afcarabigana waxa ay ku noqonaysaa قِسِّيس ama قسيسة oo ah qof ka shaqeeya fidinta diinta nasaarada “
“Gaalnimada iyo dhaqanxumada si qayaxan looma fidiyo.Cidina si toos ah isuma gaalaysiiso ama isuma dhaqan-biso, hasayeeshee si dadban baa xumaha loo fidiyaa “
“Anigu waxa aan ka hadlay badbaadada ubadkeena iyo halisaha ku xeeran “
” Si dee baynu ugu ogolaanay nin gaal ah in uu yidhaahdo waxa aan idiin soo saarayaa holdoorkii umadda?!”
“Garsoore dawladnimada ayaa la iigu awood sheegtay, dulmi baan ku xidhanahay in ka badan 130 maalmood , Ilaahayna dulmiga wuu xaaraantimeeyey , Xadiis qudsi uu nabigu ( Csw) rabigii cazza wajalla ka wariyey baa jira odhanaya :
(يَا عِبَادي ، إنِّي حَرَّمْتُ الظُلْمَ عَلَى نَفْسي وَجَعَلْتُهُ بيْنَكم مُحَرَّماً فَلا تَظَالَمُوا)
Oo micnihiisu yahay : Addoomahaygow anigu dulmiga waan iska xarrimay , dhexdiinana waan ka xarrimay ee ha is dulmina “

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker