Ciidamada Booliska Kenya oo Qaxooti Soomaali Ah ka Kaxaystay Xerada Dhadhaab

Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa galabta shaacisay inay Saraakiil ka tirsan Booliska La-dagaalanka   Argagixisadda ay Qaxootigaasi ku qabteen Hawlgal ka dhacay Xeradaasi, isla markaana Qaxootigaasi su’aalo la weydiinayo.

 

Taliyaha Booliska Kenya, Josef Boynet waxa uu sheegay in raga la soo qabtay ay si sharci-darro ah ku galeen Xeradda Dhadhaab, isla markaana ay ka shaki qabaan inay xidhiidh  la leeyihiin Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxa uu intaasi ku daray in mid ka mid ah Eedeysanayaasha uu haysto Laba Baasaboor oo dalka New Zealand oo magacyo kala duwan leh, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Hawlgalka ay Booliska Kenya ku soo qabteen Qaxooti Soomaali ah oo ku nool Xeradda Dhadhaab ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo aad loo adkeeyey Ammaanka dalkaasi, kadib, weerarkii ay Al-Shabaab bishan Janaayo 15-dii ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, oo la sheegay in 21 qof ku geriyoodeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker