Culuumta Jacaylka iyo Suugaanta Soomaalida Q.2aad

Wali waxa aan ku guda jirnaa faahfaahinta aragtidii kakannaanta badnayd ee jacaylka iyo Soomaalida’e, waxa qodobkan dedaal badan geliyay sidii uu Soomaalida uga dhaadhicin lahaa jiritaanka jacaylku macallinkii iyo boqorkii jacaylka (AHN) Cilmi Boodhari. Hadda ba
Suugaantiisa naf-ka-hadalka haddaad milicsato saddex rukun oo waaweyn dhanna uma dhaafto, waxayna kala yihiin;
1. SHARRAXA JACAYLKA; Boodhari maadaama dareen jacayl oo deegaanka uu ku noolaa markaas ku cusbaa uu isaga la kowsaday markii uu soo bandhigayna falcelintii bulshadu ay dareenkiisa jacayl kaga falcelisayna uu yaab iyo amakaag noqday in badan wuxuu ku hawshooday sidii uu Soomaali gaar ahaanna tolkii (Isaaq-Ciida gale) ugu sharxi lahaa bal horta wuxuu jacaylku yahay iyo xalaalnimadiisa.
Tuducyadan ayuu ku sharxayaa;
” Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye
Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye
Caruurtay sideen meesha iyo Ciise nebigiiye
Cidla lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe
Waxa caynba cayn looga dhigay hays cajebiyeene
Soomaalidaa caado xune iguma caydeene
Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye
Kuwii ii calaacalayeybaan camal tusaalayne
Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya
Curuuqdiyo maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda
Ma cidaamkanaan jebinayaa cunaya dhuuxooda
Inaanse cadaydo mooyee waxaan calaalsho lay diidye
Caqliga yaa ka bi’in tuu Ilaah ku circadaayeeyey
Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey
Muga inaan cadaadaabaan ka biqi Canab daraadeede
Cududuhu ma naaxaan haddaan caafimaad jirine
Casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye
Cilmi iyo daawoba doontay oo waayay cilinkiiye
Inaan kaa calool go’ay naftay caymisoo ogiye
Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay.” Boodhari.
2. HAWAALE-WARRAN; Xaalkiisa nafeed ama nololleed sida uu yahay in uu hadba suugaan ku sawiro ayuu cilmi caadaystay, bal si waayihiisa looga warqabo. Arrintani waa sunne dadkii hore wax u soo jeclaaday oo dhan ay fahami karaan caashaqa iyo waayaha uu bado in aad dadka la wadaagtaa waa xumad jabin. Sidaas darteed ayuu Cilmi na tix iyo tiraabba uga xaal warramayay. Aan soo qabto tuducyo’e, waxa ka mid ahaa;
 Cajaayib!Nimanyahow dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye
Dhulkuun baan xarriiqaa siday dhiillo ii timide
Sida qaalin dhugatoobayoo geellii wada dhaafay
Dhallinyaro ma raacee kalaan dhaxanta meeraaye
Dhaqtarkaa la geeyaa ninkii dhaawac wayn qaba’e
Iyana waygu dheeldheelayaan dhamacda Daa’uude.” Boodhari”
Ina adeer hagaagtaye hadaad hilinka sii qaado
Hantaq iyo Illaah kuguma rido hagabyadii Shiikhe
Mid hubsiimo badan baad tahoo halo la siiyaaye
Adigaan halyay kuu gartiyo hurintii Daa’uude
Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye
Hurdadana habeenkii ma lado had iyo waagiiye
Sida hoorimaad baa qalbigu ii hanqanayaaye
Waxaa lay horjoogaa sidii horadhacii geele
Inaan haybsigeed dhigay haday Hodan i moodayso
Gabadh kalaan haasaawiyaa wayga haniyaade
Hadaan hadiyad caano ugu diro hoohigaa gubiye
Maxaan kula hagaagaa yartii way hanwayntahaye.” Boodhari”
Luqun madoobe awrkuba kolkuu laacdan baranaayo
Isagaa u laakima badnaa laqanka xoolaaye
Hadba qaalmo laacdana wuxuu luqun jibaadhaaba
Lix intaanu jirin hadduu laacib ku ahaado
Lama loodin karo jeeray liicdo bowdaduye
Anna laabta kama gooynin caashaqii ladane
Luxudkaan la gelayaa sidaa igaga liil dheere
Midnaay hays ku kay lurin qalbigu laba jeclaan waaye” Boodhari.
Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye
Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye
Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye
Hadii aanan kulahayn yartaay kuma haleeleene
Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene
Hal abuurka kuumaan tirsheen heesta caashaqa e
Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga
Hareertayda ood joogtidbaan ku hami qaataaye
Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye
Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye
Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye
Markaan keligey haasaawayee aan islahadlaayo
Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey
Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugeygiiye
Hadaaqay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne
Haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale
Inta uu hadhuudhlaha kudaray ama hed soo gooyey
hal-hal tirada waan lagu heleyn taniyo Haabiile
Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye
Imikuu u hees yidhi gabdhaa taan hanteen rabaye
Aniguna hensii kaama lumin u halgankiisiiye
Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e
Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye
Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane
Waa waxan hirdoogliyo caleen ugu horseedaaye
Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye.” Boodhari.
3. AMMAAN IYO BARYO; Cilmi xilli caadooyinka deegaanka yaallay ay ugu shishlayd in aan haweenka magacooda luugu yeedhin. Garasho ahaannaa markaa ay u muuqatay in ninkii haweenaydiisa, afadiisa, xilihiisa ama xaaskiisa ugu yeedha magaceeda bulshada kale ay u arki jirtay in uu jecel yahay. Taas oo xilligii bar iin ah loo haystay ayuu Cilmi ammaanta Hodan afka ka dhigi waayay. Sida oo kale haddii in uun qalbi dheddig baryo, sasabo iyo suubaa-salaax uu ku soo dabco Cilmi waa u hagar-baxay.
Wuxu yidhi;
“Sida hogol kaliishii da’doo milicdu ay hayso
Ama lebiga Hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey
Oo haadku dhaafoo shimbiro cimilo goor heesa
Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye
Anna xiisahaan kuu yahaa kaba hanaan dheere
Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye
Oon heer-kastay qurux katahay hawlin taa kale e
Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale
Qaar buu gabdhaa hilibku iyo hugu cusleeyaaye
Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawr-jeere
Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan
Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane
Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey
Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya
Ilko aan hoggoodii ka lumin kalana hoosaynin
Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyed loo siiyey
Dhabannada hareeraha wejiga halalac nuuraaya
Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye
Luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisay
Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay
Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey
Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin
Hannaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleen
Gobonimo haddii laga hadlana waa hirsood runa he
Hoo iyo waxsiin waxa ka roon haab garaab qaba e
Adiguna hantiday oo caqligu waa hub kuu dihine
Hadaaqaba ma dhaameen haddaan hadalku toosnayne
Hayeeshee warkaad hurin taqaan haa adoon odhane
Mar hadaad hufnaan gees kastaba aad ka hanaqaaday
Adigey hibaaqeey naftani heegan kuu tahaye
Adaan hiirta waaberi dartaa habataq luudaaye
Hanfigiyo kulayl-kiyo haddaan halowga soo jiidho
Oo aanan haabkiyo dhabtiyo laabta kugu haynin
Ma’haraado oonoo biyaha hoos uma dayo e
Haamadayga dhaxanta cabaar hooy kama galo e
Hawlaha dalkeygiyo xilkaan baaye hananaayey
ku habsaamay taadii markaan taydi hoos dhigaye
Magaalada hareertaad ka taal eed u hoyonayso
Inaan helo haddii aan yartaay haabka aan geliyo
Aaweey hubqaad wacan anaan hadal cid weydiinin
Hillaacaan sidiisii maraa hagida aad taale
Haatufkaan sidiisii walaal ku hor imaadaaye
Haddii aan heddeen gelin intaan dunida hoos joogno
Inaan kaa hawoodaa marnaba waa habeen tegeye
Hayeeshee Illaah baa hayoo calaf ku hoos yaale
Haddaan Eebe hoo odhan wuxuu u hunguroonaayo
Qofna abid ma soo helo wuxuu haari ku ahaaye
Haddii aynu kala haayirnoo laysu hiran waayo
Oo aan Hibaaqeey nasiib adiga ii haynin
Nacas hayle-foosh iyo qorqode garan hagaaggaaga
Midaan ku hidda-raacayn asaan haybed kugu beerin
Urdun xumaha hanfiif-sada kolkay hawli soconayso
Haddii talada aan hayn lahaa kuma horgeeyeene
Waxba yaanan sii hadaltiyeyn hadalka qaarkiiye
Ihaleel jacaylkii intuu soo hamaansadaye
Heensiyo hubkaa laba dhacuu igu hogaanshaaye
Hayin aan biyaha daadin iyo igadhig hawlmooge
Dhulka meesha Hodaniyo nimcada igu aghaynwaaye
Hogob laga hayaamiyo cidluu ila hadaafaaye
Hiil qodaxle iyo jeerin buu igu hagaajaaye
Waxaan hadimo soo maray waxaan halowyo soo meeray
Hohi cabasho weeyee mar qudha hiiftan maan odhane
Halbawlahaad i heertiyo lafahan hilibku naafoobey
Nabaradan bog hoosiyo wadnahan halac ka oogaaya
Haddii aan ku helileey bogsoon haarta qoomaniye
Waa hubaale hays odhan wax buu kuu hadoodilaye
Waa hadal nin waayeeli yidhi hiila kaa raba e
Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu harraad qabaye
Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu hadfee lumaye
Waa hadal ka soo baxay ninkaa soo hiloow ku lehe
Waa hadal qofkii la hordhigaa oohin hoorsadaye
Waa hadal qofkaan caashaq helin hawlyaraan la’ahe
Waa hadal markaan kugu hamiyey aan higaad qoraye
Waa hadal wax badan baan habraye uurku hayn karine
Waa hadal halkaad igaga taal hoo ogoow ku lehe
Waa hadal hayii kugu lalabay soo halaan-halaye
Caashaqa hareertaada qabo hubiyey kaygiiye.” Boodhari.
Intaa haddaan ku soo koobno saddexdii rukun ee suugaanta halgankii jacayl ee Cilmi Boodhari qaybtaas aan ku soo af-meero saddexdan meeris ee catawga ah;
“Sidii aad go’aygii tahiyo, macawstaan goostay,
Ama aad godkii aakhiyo, geeri iga baajin,
Gardarniyaa maxaan ina Cabdaay kaaga go’i waayay?” Boodhari.
Keligii ma aha’e naf wax jecel oo dhan ayaa dhibaataysan oo laga habaaray go’aan qaadashada. Bal aan dhawr tusaale bad weynta Suugaanta Soomaalida innooga doono.
Arraweelo dumareey
Arrimaha dhexdeenna ah
Asaraari maayee
Igu tidhi “ha ii iman”
Anna waan hubaayoo
Inaan uurka kaa jaro
Afar iyo shan goor baan
Axdi kuugu qaadoo
Misna oofin waayee
Isma ogiye goormaan
Tolow aqalka soo galay?” HADRAAWI.
Aan Qaybtaas intaas ku soo gunnaanado innaga oo weli dulucdii iyo nuxurkii qormooyinka aan uga gollahaa ku sii siqayna qaybtanna waxaan idinku dhaafayaa ereyo ka mid ah hees uu Cumar Dhuulle “AHN” ku luuqeeyo. Waxa ay tidhaa;
” Aniga dawadaydii lay diidyoo,
Mid ii daran dooro lay yidhi.
LA SOCO…
Cabdinaasir Axmed Abraham

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker