Somaliland oo Beenisay Inay Duqaysay Cisbitaalka Magalada Laascanood

Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidankeeda uusan marnaba bar-tilmaameedsanayn xarumaha bulshada sida isbitaallada iyo dugsiyada xilli mar sii horreysay ay jireen warar tibaaxaya in dhowr madfac ay maanta ku dhaceen cisbitaalka guud ee magaalada Laasacaanood.

“Wararkan been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada ayaa ah kuwo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sumcadda Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Sida muuqaaladii hore lagu arkay, xarumaha waxaa si bareer ah u waxyeeleeya kooxo wajiyo badan leh oo gacan saar la leh kooxaha nabad diidka ah iyo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalkaas ka soo baxay wasaaradda Difaaca ee Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker