Haweenay U Dhalatay Dalka Nigeria Oo Boqortooyada Sucuudigu Daldashay

Riyad(OWN)-Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa daldashay haweenay Nigeria u dhalatay oo lagu helay in ay daroogo ka ganacsanaysay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa warbaahinta dawladda.

Haweenaydan ayaa lala daldalay labo nin oo reer Pakistan ah iyo nin kale oo Yaman u dhashay. Xukunkan dilka ah ayaa lagu fuliyay magaalada barakaysan ee Maka Isniintii. Sacuudiga ayaa sannadkan xukun dil ah ku fuliyay dad kor u dhaafaya 53 ruux, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Xukuumadda Sacuudi Carabiya ayaa ka dhago adaygtay caddaadiska ay saareen kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda, iyaga oo ka dalbanayay in ay meesha ka saarto xukunka dilka ah, Sacuudiga ayaana sheegay in dilku uu dambiyada yadheeyo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker