Ilma Yar Oo Magaalada Gaalkacyo Lagu Kufsaday, Kadibna Si Arxan Darro Ah Loo Dilay

Waxaa magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ee Dalka Soomaaliya Meydkeeda laga helay Gabadh yar oo 12 sano jir ahayd, taasi oo shalay laga afduubay halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in meydkan gabadhan yar la soo dhigay meel aan ka fogeyn xaafaddooda.

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ee qeybta Puntland Gashaanle Sare Axmad Cismaan Cali ayaa arrintaasi BBC-da u xaqiijiyay.

“Gabadhaasi way dhimatay, intii dhashay samir iyo iimaan Alle haka siiyo, ilma yar ayay ahayd, reerkooda ayaa adeeg u dirsaday, ka dibna waa la afduubtay” ayuu sheegay sarkaalkan ka tirsan booliska.

Taliyaha ayaa intaa raaciyay in baadhayaashu ay caddeeyeen in ilmahaasi yar jidhdil iyo kufsi loo geystay, wuxuuna intaa ku daray in dadkii lagu tuhmayay in arrintaasi ay ka dambeyeen lagu raad joogo, kuwa kalena loo soo qabtay falkan foosha xun.

Waxaa kale oo Taliyaha uu sheegay in haatan ay wadaan baadhitaan ku aadan arrintaas oo ay doonayaan in dadkii geystay falkan cadaaladda la hor keeno.

Wuxuu intaa ku daray in caqabad ay ka heysato waalidiinta dhalay caruurta falalkan noocan oo kale geysta.

“Dhawaan gabadh ayaa la kufsaday oo walibana aan aqaanay dadkii kufsaday, waalidiintooda markii aan u tagnayna hub iyo gaadiid intay siiyeen ayay yidhaahdeen orda oo baxsada, haddii shacabku aanu kula shaqeneyn booliska ma shaqeyn karno” ayuu raaciyay Taliye Axmad.

Sidoo kale xafiiska xuquuqul insaanka ee Puntland ayaa ka hadlay dilka loo geystay ilmaha yar.

“Runtii arrin foolxun oo ugub ah ayaa ka dhacday Galkacyo, hay’adihii baadhista in ay howshoodu fuliyaan ayaa kala hadalnay, way dhici jireen kiisaska kufsiyada, balse kufsi dil uu la socdo waa markii ugu horraysey, haddeerna koox ka socota sheybaadhka ayaa halkaasi ku sii jeeda, waxaana halkaasi ka suurtagaleysa in dadkii dhibka geystay laga ogaado”. Waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Maxamed Yuusuf oo ah guddoomiyaha xafiiska xuquuqlka insaanka ee Puntland.

Kufsiga loo geystay ilmahan yar ma ahan kii ugu horeeyay ee ka dhaca deegaanadaas oo waxaa ka horeeyay kufsi loo geystay gabdho kala duwan oo ka kala dhacay magaalooyinka Gal-dogob, Galkacyo, Garowe, Guri-ceel, inkastoo qaar ka mid ah xabsiga loo taxaabay, hase yeeshee waxaan la ogayn sababta ku qaadi karta dadka ka dambeeya falkani foosha xun.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker