Baarlamaanka Kenya Oo si Buuxda U Diiday In Talaabo Laga Qaado 11 Xildhibaan Oo Xamar Booqday

Afhayeenka Golaha Qaranka Justin Muturi waxa uu ka hadlay markii ugu horeysay safarka 11-Xidhibaan oo kasoo jeeda Ismaamulka Soomaalida oo dhawaan yimid Magaalada Muqdisho oo muran ka dhashay socdaalkooda kadib markii ay ku laabteen Kenya.

 

Xildhibaanada ayaa markii ay yimaadeen Magaalada Muqdisho waxa ay la kulmeen Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wasiiro katirsan XFS oo ay kala hadleen weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Deegaanada ay kasoo jeedaan.

 

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in aan Ciqaab la marin doonin 11-ka Xildhibaan, Justin Muturi waxa uu soo qaatay qodobka 260 ee ka hadlaya xubnaha Baarlamaanka Kenya in laga doonayo in ay fasax qaataan kolka ay socdaal dibadda ah galayaan balse aan ku xusneen Ciqaab la marsiiyo qofkii baalmarto.

 

 

Hadalkaan Afhayeenka Baarlamaanka Kenya ayaa u meesha ka saaraya wararka sheegaya in ciqaab adag la marin karo Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka dalkaas ee Soomaaliya safarka qarsoodiga ah ku yimid.

 

 

Xildhibaan Maxamed Daahiye oo dhawaan faah-faahiyay safarka waxa uu ku sheegay ujeedkiisa in Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ay kala hadleen amniga Deegaanada ay matalaan, balse uu u sheegay in ay qaadaan tallaab waliba oo wax looga qaban karo weerarada Al-Shabaab.

 

 

Markii ay ku laabteen Magaalada Nairobi waxaa su’aalo adag weydiiyay saraakiil katirsan Nabadsugidda Kenya oo diiwaangeliyay agabka iyo lacagta ay wateen, waxaana laga buuxiyay foom.

 

 

Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa soo baxayay in la Xidhaayo 11-ka Xildhibaan ee kala ah: Axmed Kolosh, Ibraahim Cabdi, Rashiid Qaasim, Maxamed Hiire, Cumar Maalin, Bashiir C/llaahi, Aadan Xaaji, Kuulow Maalin, Aadan Cali Sheekh, Axmed Baashane iyo Maxamed Daahiye.

 

Justin Muturi Afhayeenka Golaha Qaranka waxa uu hadalkaan ka sheegay xili uu shir gudoominayay kulanka Baarlamaanka Kenya ay ku yeesheen Magaalada Nairobi shalay oo ku beegneed 3-da March .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker