Turkiga oo doonaya in 120 maalmood loo kordhiyo heshiis hore u dhexmaray Ukaine iyo Ruushka

Turkiga ayaa sii wadaya wada-xaajoodyada ku aaddan, in wakhtiga loo kordhiyo heshiiska ogolaanaya in dekedaha ku yaalla badda madow ee dalka Ukraine, in laga dhoofiyo sareenka, taas oo haatan uu Turkigu doonayo in heshiiskaas la kordhiyo illaa 120 maalmood, halka uu haatan ka yahay 60-ka maalmood.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa lagu sheegay inay socdaan wadahadallo ku aaddan arrintan oo la isla eegayo qodobada heshiiska, iyada oo ay muhiim tahay sii socoshada heshiiskani. Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay inay ka shaqaynayso in heshiiskan la kordhiyo illaa 120 maalmood halka haatan ay tahay 60 maalmood.

Ankara ayaa sheegtay in dhinacyadu ay haatan qiimaynayaan oo ka go’aan gaadhayaan in heshiiska la kordhiyo, iyada oo Turkigu uu rajo ka muujiyo in natiijo wanaagsani ka soo baxdo.

Bishii July ee sannadkii hore ayaa Ukraine iyo Ruushku waxay gaadheen heshiis ay dabada ka riixaysay Qaramada Midoobay isla markaana uu Turkigu ka qayb qaatay kaas oo lagu ilaalinayo marinada badda ee uu marayo sarreenka laga dhoofinayo dekedaha dalka Ukraine ee ku yaalla badda madow.

Reuters

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker