Dad Ku Dhaawacmay Weerar Lagu Qaaday Guri Ku Yaalla Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ku qaaday Guri ku yaalla Xaafad ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

 

Xiliga weerarka uu dhacaayay ayaa waxaa la sheegay in Guriga ay ku sugnaayeen Rag iyo Dumar, waxaana Weerarka Bam Gacmeedka ahaa ka dhashay Khasaaro dhaawacyo ah.

Ugu yaraan 9 ruux oo kamid ah dadkii ku sugnaa Guriga ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, waxaana isla xiligaas loo qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Muqdisho.

Dad deris lahaa Guriga weerarka lagu qaaday ayaa waxaa sheegeen in kooxihii falkaas ka dambeeyay goobta ay ka baxsadeen, waxaana intaas kadib goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda.

 

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ay uga hadlayaan weerarkii xalay lagu qaaday Guri xiliyada habeenkii ah ay ku caweeyan dhalinyaro isugu jira Rag iyo Dumar, kaasi oo ku yaalla Degmada Yaashiid ee Gobolka Banaadir.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker