boqortooyada Ingiriisku Somaliland Ma Ku Taageersanayd inay La Midawdo Somalia Wakhtigii 60 kii
London (OWN) Haddii aynu dib u milicsano Wakhtigii 60-Dameeyadii ee ay Somaliland Gobanimadeeda ka Qaadatay Dawlada Boqortooyada Ingiriiska
Inagoo ka Duulayna Dabaaldeggii Sannadkan ee Magaalada London ee Caasimadda boqortooyada Ingiriiska.
Xafladda London oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda Somaliland ku leedahay Magaalada London, ayaa waxa Dadka ka qayb-galay ka mid ah Haweenay Magaceedu yahay Borus A. Nichols oo ka mid Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Ingiriiska.
Borus A. Nichols oo Xafladda hadal ka jeedisay ayaa ugu horrayn Shacabka reer Somaliland ku hambalyeysay Xuska 60 guurada ka soo wareegtay xilligii Ingiriisku Siiyey Xornimada Shacabka reer Somaliland.
Xildhibaannada oo hadalkeeda sii wadataa waxay sheegtay in xilligii uu Ingiriisku siinayey Somaliland xornimadeeda uu kula taliyey in aanay Xornimada iyo Gobanimada ay qaateen aanay cidna kula midoobin, balse Somaliland ay sannadkii 1991-kii ay xornimadeedii luntay dib ula soo noqotay.