Dadka reer Senegal oo maanta u dareerraya goobbaha cod bixinta si ay u doortaan Madaxweynihii shanaad ee wadan kaasi

Maanta oo Axada ayaa lagu wadaa in dadka reer Senegal doortaan Madaxweynihii shanaad ee dal kaasi, kaddib isku dayo dib loogu dhigayay doorashada oo abuurtay rabshado.

Sagaal iyo toban murashax ayaa doonaya in ay badallaan Madaxweyne Macky Sall, isagoo dhamaystay labadii xili ee dastuurku u ogolaa in uu u tartamo jagada Madaxweynaha, waxana laga doonayaa mid kasta oo kamid ah murashaxiinta tartamaysa, in uu boqol kiiba konton kor u dhaafo si looga fogaado doorasho ku celis ah oo lagu kala baxo.

Xisbiga talada haya ayaa sharaxay Ra’isul Wasaarihii hore ee wadan kaasi Amadou Ba oo ah 62 jir.

Ku dhawaad 7.3 milyan oo qof ayaa isu diiwan galiyay in ay codeeyaan doorashada maanta, waxayna goobbaha cod bixintu furmi doonaan sideedda subaxnimo xiliga dal kaasi, waxayna xirmi doonaan, lixda maqrib kii.

Tirinta codadka ayaa horey ka bilaaban doonta, marka la xiro goobbaha cod bixinta, waxana natiijada la filayaa in lagu dhawaaqo 26 bishan Maarso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker