Xisbiga Kulmiya Oo Fariin U Diray Masuuliyiinta Xisbiga Ee Gobolada Dalka

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa amray guddoomiyeyaasha xisbiga KULMIYE ee gobollada dalka, inay soo raaciyaan ugu yaraan hal haween ah liiska murrashaxiinta golaha wakiillada ee ay soo gudbinayaan.

War qoraal ah oo kasoo baxay xarunta xisbiga KULMIYE, Islamarkaana uu ku saxeexan yahay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, ayaa u dhignaa:–
“Dhammaan guddoomiyayaasha gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, ee Xisbiga Kulmiye waxa la ogaysiinaya in ay ugu yaraan hal Haweena kusoo daraan liiska musharixiinta golaha wakiillada ee doorashada inagusoo fool leh.
Sidaa darteed waxa la ogaysiinaya in aan la aqbali doonin liiska musharixiinta ee soo gudbiseen oo ay ka maqan yihiin xubnaha haweenku.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker