NINKA MARAQA QAYBINAYAW TOLKAA UGU HORYAYSII-YEMENTAA KU MAAHMAAHDA.

Waxaan badi arkaysaa Xukuumaddii Muse Biixi oo KU MASHQUUSHAY oo KU mirQaantay Ajaanib lala kulmay  oo dadka indhsarcaad looga dhigayo dadkaasina waa dad iska wareegaya oon dawlado soo diran oo baashaal isaga wareegaya. Waxaa markhaati ma doona Haddaad dib U jaleecdid tobankii todobaad ama usbuuc ee u dambeeyey inta Dad Ajaanib Madaxweyne Muse qaabilay ee caddaan iyo madaw iyo carab IYO Turkiba leh oon midna maanta Wax micno leh oo wadanka u dana oo ay u socdeen ee meel inoogu guntani aanay jirin. XUkuumaddaa inoo sheegi hadduu jiro wax kulanadaa calaa faashuushka ah wax Ka jira maanta. Waxaa Madaxweynaha IYO Xukuumaddiisa uga fiican inuu qabaailkiisa inba dhinac u jeeddo ee xaalkoodu marayo halkay marayeen 1991kii IYO 19993 weli taagan even taagan ee Maleesiyaad iyo Jeegaan isku horfadhiya ayuu ISU baadi dooni lahaa oo Heshiiskii beenta Xukuumadda Kulmiye Ka dhigtay ee Khaatumo ayuu fulin lahaa oo (fruits)kii kasoo baxay shirkii Gacanlibaax ayuu fulin lahaa oo Ajanebigan UU Madaxtooyada ugu yeedhyeedhayo ayuu Ka waantoobi lahaa. YEMENTAA WAXAY KU MAAHMAAHAAN NINKA MARAQA QAYBINAYAW TOLKAA UGU HORAYSII. MADAXWEYNE tolkaa laba reer iyo dhuxdhux hoose maaha ee dhawr iyo toban qabiil OO Somaliland wada dega oo wada saboola weeye . WAXAY nu meesha KU haynaana waa MARAQ IYO BARIIS GACANTA LA GELIYO EE INTAA SI WACAN UGU QAYBI. DAWLADNIMADO BEEN BEEN KUMA HANA QAADO EE WAA DAD MEEL WADA DEGA OO ARIN KU MIDAySAN IYO MAAMUL. WAXAAN SAAN KUGU LA TALIN LAHAA TV YADA ADDUUNKA IYO SHAASHADAA HA DAAWAN WAA LAGU ASQOOBAA EE WAX AKHRIGA BADI IYO MADAXDII IYO MAAMULADII SOO MARAY DUNIDA SHANTII BOQOL EE SANO EE I DAMBAYSAY markaasaad wax fahmi ood wadanka dhinaca khayr KU KU jiro u dhaqaajin.

Madaxweyne waxaad akhridaa (the most influential leaders of the world) oo ummadda reer SOMALILAND WAXAY KU dhex jirtaa dhiidhi ay gelisay Xukuumaddii uu Siilaanyo Ka xanuunsaday ee Cid aan naxayni taladii dadka qacantooda KU dhacday dabadeed adigana GIRGIRAA DABKA AH LAGUU DHIIBAY . MARKAA HAWLAHA ILAAH BAA KUU FUDUDAYNE UMMADDA DHIIDDHIGAN AY KU JIRTO KA SAAR OO DOORASHOOYINKA QABO OO BAARLAMAANADA FADHIYAA WAA DHIIDHI EE MEESHA IS DHAAFI YEY KUU FADHIYEY.
TALOOYINKA UMMADDAADA AKHRI, HADAAD AKHRIYI WEYDID UMMADDAA AKHRIYI.
M BASHE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker