Madaxweynihii Hore Ee DDSI oo La Sheegay In uu Xabsiga Ku Xanuunsanaayo Iyo Hooyadii oo Soomalida Cafis u Waydiisay.

Addis-Ababa-(OWN)-Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaadhaya dalka Itoobiya waxaa xabsiga ku xanuunsanaya Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa la sheegayaa in xilligaan uu dareemaayo xanuun, isaga oo ku jira xabsiga.

Hooyada dhashay Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo muuqaal laga soo duubay kaga hadashay xaaladda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxa ay sheegtay in uu xanuusanayo xilligan.

“Magaceygu waa Deed Mahad Colow, waxaan ahay Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, waxaan idinka codsanayaa dhammaan Soomaali Maxamed meel walba oo ay joogto inaad cafisaan Cabdi Maxamuud oo gacanta ugu jira cadow, waxaan R.W Itoobiya ka codsanayaa inuu wiilkeyga ii saamaxo”. Ayay tidhi Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 27-kii August ee sanadkan lagu xidhay xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa, kadib markii gurigiisa ay ka soo kaxeeyeen ciidanka Itoobiya, eedeymaha loo heysto waxaa ka mid ah dhibaatooyin loo geystay dad shacab ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Hooyada Dhashay Madawaxwaynihii Hore Ee DDSI  oo Ka Hadlaysa Xaaladda Inankeeda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker